Iyada oo madashii wadaxajoodku Muqdisho taal, doodduna ay meel gabogabo ah marayso ayuu duqu isaga siibtay, mar qura ayaa la maqlay wasiir Dubbe oo leh wadaxaajoodkii waa fashilmay, hebel iyo hebel ayaana sababtiisa leh!. Maalmo kadibna Golaha Shacabka ayaa si sharciga baal-marsan duqa u sameeyay muddo-korordhin labo sano ah, taasoo diidmo adag lagala horyimid.
Siyaasiyiin, indheer-garad, cuqaal, culumo, saraakiil ciidan iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’anka dhiciska ah ee muddo-kordhinta, sidoo kalana hay’adaha iyo dalalka taakuleeya dowladda Soomaaliya, ayaa ka digay xasaradaha siyaasadeed ee ka dhalan kara waddada qarda-jeexa ah ee uu duqu sibraarka u biyaystay, hayeeshee dhamaan baaqyadaa dhagaha ayuu ka furaystay!.
Bartamaha Afrika iyo Kinshasa ayuu duqu door-biday in muddo-kordhinta uu sharciyad uga raadiyo, taasoo baal-marsan hal-ku-dhigyadiisii ahaa in dadkayagu isku filan yahay arrimahoodana ay xallisan karaan. Mashaakilka Afrika waa in loo helo xal Afrikaan ayuu ku soo hooriyay qoraal kooban oo uu hawada soo geliyay saacado kadib kulankisii Kinshasa.
Xarumaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa noqday goobo lagu falanqeeyo maaraynta marxaladda kalaguurka iyo doorashadii dalka. Xalkii Afrikaanka ee uu duqu sheegayna waxa uu ku noqday sun iyo waabaay uusan mahadinin, safrkiisii Kinshaasana waa uu ka shallaayay! War maxaa nagu watay, iyo duqa yaa meesha u kexeeyay ayaa la is weydiiyay!.
Muqdisho oo foolanaysa, muddo-kordhintana liqi la’, ayuu duqu dib ugu soo laabtay, wuxuu ka hawlgalay u gogolxaarka hirgelinta muddada labada sano ah ee lagu ajaray, qolyihii madadaalin jiray ayaana u abaabulay shirar indha-sarcaad ah oo lagu taageerayo, kuwaa oo dadkii ka hadlay qaar kamid ah la garan waayay in ay duqa aflagaadaynayaan iyo in ay amaanayaan!, hadalladii meesha laga jeediyay qaarkood waxa ay xadgudb ku ahaayeen xuquuqdiisa muwaadinnimo iyo tan mas’uuliyadeed!.
Intii qolyaha duqa indha-sarcaadiya ay dheeshoodii wadeen, duquna dhoolla-caddaynayay, ayaa mar qura waxaa bariga Muqdisho soo buuxiyay ciidamo ka yimid duleedka magaalada kuwaa oo sheegay in ay ka soo horjeedaan muddo-kordhinta, halkii waan-waan iyo wadaxaajood lagu dayi lahaa waxa ay noqotay in la isku dayo in la muquuniyo, oo la kala eryo, sheekaduse si sahlan ayay isugu rogtay dagaal faraha looga gubtay!.
Maadaama duqu aanu xeerarka dagaalka guud ahaan iyo kan Muqdisho gaar ahaan aysan wax uga billownayn, isla markaana aannu la noolaanin raadadkii dagaalladii sokeeye uga tageen deegaanada dalka oo ay caasimaddu ugu horreyso, xabbadda oo la joojiyo guusha horteeda qaamuskaba uguma jirin!, waana ta keentay in odayaashii saaxibadiis ahaa ee ay olloga ahaayeen ay ku kala tagaan, ayaga oo ku baaqay in dagaalka la joojiyo, dibna loogu laabto wadaxaajoodkii uu duqu ka siibtay.
Go’aanka odayaasha afarta ah ay maanta qaateen waa mid muhiim u ah badbaadinta hannaanka dowladnimo oo maalmihii la soo dhaafay waajahayay halis aad u weyn. Wey ku mahadsan yihiin tallaabada geesinamada leh ee ay qaateen inkasta oo ay soo daahday.
Waxaa mudan in la is weydiiyo duqa yaa ajaray?! Yaa dhex fariisiyay dhiiqadan oo haddana uga siibtay? Ma jirtaa cid aan asaga ahayn oo ka mas’uul ah xaaladda uu maanta ku sugan yahay?.
Duqa oo dib loogu celiyo wadaxaajoodkii uu ka duday horrantii bishan , isaga oo markan garab la’aan ah, ciidamadii ka horyimidna muquunin waayay, oo ay madaxtooyada meel aan ka fogayn dhufeys kaga jiraan, waa geeri siyaasadeed oo degdeg ah, taasoo inta badan haleesha dadka damacu indha-tiro oo kala garan waaya dhabta iyo dhalanteedka.
Duqu muxuu talo dhaaxa ah dhegaha ka furaystay!.

W/Q: Maxamed Sh. Cali (Dodhishe)