Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Yaa garta siiyay Kenya, una diiday Soomaaliya? Sababta? Jawaabta kooban waxay tahay.. (Qormo)

    Yaa garta siiyay Kenya, una diiday Soomaaliya? Sababta? Jawaabta kooban waxay tahay.. (Qormo)

    January 28, 2021Updated:January 28, 20214 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Jawaabta kooban waxay tahay in ururka IGAD garta siiyay Kenya, una diiday Soomaaliya. Sababtana waxay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya horey loogu sheegay inay qaldan tahay, isla markaana iska indha tirtay talooyinkii loo jeediyay ee ku saabsanaa dib u heshiisiinta iyo doorashada 2020/2021.

    Marka meel la iska dhigo dacwada badda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya oo ku jirta gacanta Maxkamadda caalamiga ah ee Garsoorka laga soo bilaabo 2014, ma jirto cid Soomaaliya ku haysata dhulkeeda iyo madaxbannaanideeda. Isla markaa, adduunka kama dahsoona qaska siyaasadeed iyo dowladnimo, sharcidarrada, musuqmaasuqa, iyo nabadgelyo la’aanta ee ka taagan Soomaaliya.

    Inkastoo Soomaaliya xubin tahay, Galka Soomaaliya waxaa gacanta ku haya Golaha Ammaanka ee QM, Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika, iyo Ururka IGAD. Deeq bixiyayaasha caalamka waxay siiyaan malaayiin doolar ururradaas si ay uga shaqeeyaan Soomaaliya. Sidaa darted, Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed iskama indhatiri karaan duruufaha iyo xaaladaha gaarka ah ee Soomaaliya mareyso.

    Xiriirka caalamiga wuxuu ku dhisan yahay xeerar iyo dhaqammo lagu kala dambeeyo, dal walbana ku dadaalayo inuu danahiisa ku raadsado, kuna ilaalsado. Qar iska tuurka waa halis dal gaarsiin karta burbur iyo baaba’.Dowladda Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada Soomaaliya waxaa ilaaliya Ciidammo ka socda dalalka IGAD, kharajkoodana waxaa bixiya dalalka Yurub iyo dalal kale. Adba garo sababta ka dambeysa taakuleyntaas!!!

    Sida lala socdo, Dowladda Federaalka waxay xiriirka u jartay dowladda Kenya, taaso macnaheedu ahaa inay garteeda goosatay, kaddibna waxay u dacwootay ururka IGAD oo Soomaaliya xubinta ka tahay.

    Shirkii 38 ee ka dhacay dalka Jabuuti oo dowladda Sudan Shir Guddoomiye ka aheyd, dacwada Soomaaliya laguma soo darin Ajendaha Shirka, khudbadihii shirka laga jeediyay laguma soo qaadin dacwada Soomaaliya marka laga reebo khudbaddii Madaxa Midowga Afrika oo dulmaray khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kuna taliyay in ay labada dal wada hadlaan, kana heshiiyaan khilaafkooda waayo kalama maarmaan sida uu sheegay.

    Waxaa la shaaciyay sawirka kulan gaar ah ee dhexmaray Madaxweynayaasha Dowladaha Soomaaliya, Kenya, Jabuuti, iyo Ra’isul Wasaaraha Ethiopia, kaaso loo fasiran karo in Soomaaliya loo sheegay inay qaldan tahay sababtoo ah sida la xusuusan yahay wasiirka Arrimaha dibedda Mudane Maxamed Cabdirizaq Abubakar wuxuu warbaahinta u sheegay in Soomaaliya la saaray cadaadis gaar ah, haseyeeshe Soomaaliya weydiisatay baaris iyo wax ka soo qaad dacwadooda.

    Hadalkaas wuxuu muujinaya in Madaxweynaha JFS uusan garan luqada Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia kula hadleen. Waxaa suura gal ah in Madaxweyne Farmajo isku halleeyay taagerada Ra’isul Wasaaraha Ethiopia, haseyeeshe aan marna muuqan. Waxaa kaloo suuragal ah in Madaxweyne Farmajo damcay inuu u dhaqmo sida shacabka Soomaaliyeed ula dhaqmo oo ah inuusan maqlin, dhegeysan warka, cabashada, talada loo jeedinayo mar kasta.

    Waxaa la soo saaray warmurtiyeed aan lagu xusin dacwada Soomaaliya iyo in IGAD ku sameyn doonto dabagal, baaris, wax ka qabasho. Waxaa murtiyeedka lagu sheegay in Dowladda Federaalka qabato doorasho heshiis lagu yahay, xor iyo xalaal ah, oo waqtigeeda ku dhacda. DF waxaa lagu booriyay inay is afgarad la gaarto DG iyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya ee khilaafka kala dhexeeyo si loo qabto doorasho heshiis lagu yahay.

    Madaxweyne Farmajo ma garan inuu ahaa Madaxweyne loo sheegayo shaqada laga rabo ee dowladaha IGAD ay amarka iyo talada ku leeyihiin. Saraakiisha Dowladda Jabuuti iyo Jeneralka Ethiopia waxay ku shaqeynayeen tilmaamihii IGAD. Waxaa kaloo suura gal inay raacayeen xeerka IGAD.

    Haddii soomaali ka baxsatay dhibaatada iyo weerarka DF ay ku nool yihiin dhinaca Kenya, Soomaalidaas waa gobannimadoon, waa qaxooti, waa xuquuq doon dowladda Kenya taakuleyso. Qofka soomaaliga waa inuu dalkiisa ku lahaa xorriyad buuxda, ilaalinta dhammaan xuquuqdiisa ay ku jirto xuquuqda siyaasadda. Haddii Garsoorka iyo Sharciga lagu kalsoonado, waddaniyada waa xoogeysaneysa.

    Colaadda ka socota Gedo iyo Magaalada Beled Xaawo iyo sababaha ka dambeeya waxaa dhawr jeer looga hadlay shirarka Golaha Ammaanka ee QM, waxaana Madaxweyne farmajo lagu amray inuu Ciidammada DF ka soo qaado Gedo iyo Beled Xaawo si deg deg. Golaha Ammaanka ee QM, Midowga Afrika, IGAD, Saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ( international partners of Somalia) waxay isku og yihiin, heshiis ku yihiin, kuna og yihiin Dowladda Kenya nabadeynta deegaanka iyo taagerada DG Jubbaland.

    Sidaa awgeed, Madaxweyne Farmajo waa inuu garawsado in maawelada iyo riyada lagu daboolayo wadaniyadda iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya aysan shaqeyneyn, dantana dadka iyo dalka Soomaaliya ku jirto inuu wada hadal iyo heshiis la galo madaxda Soomaaliyeed ee talada la leh, isla markaana ilaaliyo ku dhaqanka dastuurka iyo nidaamka wanaagsan ee dowladnimo.

    Muddo xileedka Madaxweyne Farmajo ee ay ka harsan tahay 11 maalmood, waxaana dalka ka aloosan colaad qabiil iyo kacdoon siyaasadeed, mana muuqato rajo iyo niyadsami looga hortagayo qalalaase siyaasadeed iyo dagaal sokeeye.

    W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

    IGAD Maxamuud Culusow Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka degay Doolow, kuna sii jeeda Degmada Beledxaawo
    Next Article Musharixiinta Mucaaradka oo War kasoo saaray Go’aanka Puntland iyo Jubbaland (Digniin loo diray Farmajo)

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo