Iyadoo ay socoto qabanqaabada Shirka wadatashiga ee Doorashooyinka oo uu madaxda Maamul Goboleedyada iyo G/banaadir isugu yeeray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta ayaa waxaa soo baxaya arrimo lama filaan ah.
Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo lagu wareejiyay hoggaaminta xal u helidda Arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga Doorashada ayaa la sheegay inuu doonayo in shirka 20-ka Bishan lagu wado inuu ka furmo Xalane uu guddoomiyo Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ama uu furo.
Arrintan oo muujisay in Rooble aanu u madax bannaaneyn howsha la sheegay in loo igmaday ayaa ka mida qoddobada muhiimka ah ee looga doodayo kulamada ay Muqdisho ku leeyihiin Guddiyada ka socda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ee loogu gogol xaarayo shirka weyn.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho ka tegay markii uu shirkii arrimaha Doorashada fashiliyey Farmaajo ayaa si weyn u diidan inuu Farmaajo mar kale ku lug yeesho ama door laga siiyo shirka cusub.
Waxaa lagu wadaa inuu Rooble ka noqdo arrintan oo shir guddoonku noqdo mid lagu go’aamiyo kulanka ugu horeeya ee shirka Khamiistaka furmaya Muqdisho sida la qorsheeyay.
Qodobkan ayaa ka mida arrimaha ugu muhiimsan ee ay tahay in go’aan looga gaaro Ajendayaasha shirka Khamiista ee 20-ka May 2021 ka furmaya magaalada Muqdisho.
