Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xog cusub»YAA ISKU HEYSTA MAAMULKA GOBOLLADA DHEXE..? (AKHRISO WARBIXIN XASAASI AH)

    YAA ISKU HEYSTA MAAMULKA GOBOLLADA DHEXE..? (AKHRISO WARBIXIN XASAASI AH)

    February 28, 2015Updated:April 26, 20193 Mins Read Xog cusub
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dadaalka maamul u sameynta gobollada Dhexe ee Soomaaliya wuxuu la bilowday khilaafaad iyo isku dhac dhex maray dowladda Federaalka iyo Puntland taasoo keentay in Puntland xiriirka u jarto dowladda Xasan Sheekh, waxaa kaloo arrinta Gobollada dhexe waxaa farta lagu fiiqaa inay ka mid ahayd sababihii soo dedejiyay khilaafkii siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed oo qaatay in ka badan shan bilood, keenayna inuu kan dambe kalsoonida lagala laabto xukuumadiisa.

    KOOXDA DAMJADIID

    Markii arrintii Puntland ay dhinac u dhacday, waxaa haddana soo if baxay loolan adag oo kooxo kala duwan ku doonayaan inay maamulkaasi kusoo baxaan, waxaana ololihii ugu weynaa galay kooxda Damjadiid ee saaxiibada la ah madaxweynaha. Kooxdan waxaa hormuud u ah Mahad  Maxamed Salaad oo howl adag ka qabtay Dhuusamareeb, arrimihii ugu weynaa kooxdani ku guuleysatay waxaa kamida: inay ciidamo abaabuleen, inay kala qeybiyeen xoogagii Ahlu-suna iyo inay Maamulka Cirfo ee Galgaduud xoojiyeen, lana wareegeen Dhuusamareeb iyo Guriceel.

    Ujeedada kooxda Damjadiid iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay ahayd in maamulkaasi ay hogaanka u qabtaan iyagoo isha ku haya Hiigisiga cusub ee 2016 iyo wixii ka danbeeya oo maamulada goboladdu gacan weyn ku yeelan doonaan talada dalka cidda qaban doonta. Qofka kooxdani maamulkaasi u dooneyso inuu qabto ma caddeyn markii hore waxaana la isku dhinac waday dhowr qof, ilaa markii danbe ay si cad u soo shaac baxday inuu yahay C/kariin Xuseen Guuleed.

    GOBOLADDA DHEXE

    [ad name=”HTML-2″]

    KOOXDA AALA-SHEEKH

    Kooxdani joogitaan ciidan iyo siyaasadeed kuma laha Gobollada dhexe, balse waxay sameysatay musharax muuqda oo ah Axmed Macalin Fiqi oo mar kaliya la arkay isagoo caadka maraya oo musharax cadcad ka noqday ragga ku tartamaya hogaanka maamulka foosha ku jira ee Gobollada Dhexe. Fiqi iyo kooxdiisa Aala-Sheekh waxay ku tashanayaan oo kaliya hanti iyo shaqsiyadda musharaxooda. Tani waxay ka careysiisay Ahlu-sunna waljamaaca qeyb ka mida oo ka war heshay in koox iska socota ay guraneyso halgankoodii ay dhiigga u daadiyeen. Waxayna ku soo baraarugeen Aala-sheeg oo degaanadoodii oo Aalasheekh lagu soo dhoweynayo, mashxaradna is qabsatay.

    KOOXDA AHLU-SUNNA

    Kooxdan inkastoo ay kala qeybsantay, waxaa ku hartay koox mayal adag ku taagan inay siyaasad ahaan uga faa’iideysato halgankii ay Shabaab kula galeen deegaanadaasi. Kooxdan oo xaaladeeda kala daadsan tahay ayaa gacan ka heshay xubno uu ka mid yahay Cabdi Nuure Siyaad (CabdiWaal) oo Muqdisho ay ku heshiin waayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Damjadiid. Waxaa kaloo markii danbe kooxdan oo dagaal ku qabsatay Degmada Guriceel ku soo biiray siyaasiyiin kala duwan iyo xubno ku kacsan madaxweynaha dowladda Federaalka.

    Safiirka Soomaaliya  ee dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika Axmed C/salaan Aadan ayaa ah musharaxa kooxdani ay wadato, wuxuuna safiirku dhowaan isku xiray kooxda iyo Itoobiya oo taageero siisay markii ay is muujiyeen.  Inkastoo uu safiir yahay haddana Axmed C/salaan wuxuu ku lug leeyahay arrimha ka socda Guriceel. Odayaal aan yareyn sida Macalin Maxamuud,  Gen. Galaal, Cabdi Waal iyo xildhibaano dhowr ah oo Muqdisho ku sugan ayaa geed fadhi u ah kooxda Ahlusunna oo hadda u muuqata inay salka la gashay Itoobiya siina adkeysaneyso jiritaankeeda.

    GABAGABO

    Xaaladda Gobollada dhexe waxay mareysaa meel halis iyo kala wareeg ah oo horseedi karta in gebi ahaan lagu fashilmo dadaalka maamul u sameynta degaanadaasi, ayna kasii darto xaaladda colaadeed ee Guriceel ka bilaabatay. Dhinacyada is haya waxay dhammaantood ka siman yihiin inuusan midkoodna ka fekerin xaaladda shacabka Goboladda dhexe ee ka soo daalay dagaalada iyo abaaraha, waxaa kaliya u muuqda kursiga madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe oon la ogeyn sida ay ku calfan doonaan, hadiiba lagu heshiiyo. Haddiise waxgarad iyo dad Alle yaqaan u bixin arrintan cakiran waxaa cad inaysan xaaladu ku dhamaan doonin si qurux badan.

     

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-5″]

    Ahlu sunna Alala sheekh Axmed C/salan Axmed Fiqi C/kariin Xuseen Damjadiid Gobollada Dhexe
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Ubax Tahliil oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh & shirka Dhuusamareeb oo kasii baxaya gacanta dowladda
    Next Article US bank regulators may destroy Somalia’s economy

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

    October 9, 2024

    XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

    September 29, 2024

    XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

    September 13, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo