Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Yaa ka dambeeyay Qarixii ugu qasaaraha Badnaa Soobe..? [XOG URURIN]

    Yaa ka dambeeyay Qarixii ugu qasaaraha Badnaa Soobe..? [XOG URURIN]

    October 17, 20174 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wali waxaa socda hawlaha gurmadka ee lagu samato bixinayo dadkii tirada badnaa ee ku waxyeeloobay qarixii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, iyo dabcan sidoo kale baaritaan la xiriira sidii ay wax u dhaceen iyo ciddii ka dambaysay.

    Natiijada baaritaankaba ka hor dowladda federaalka waxa ay markiiba farta ku fiiqday Ururka Alshabaab ee dowladda la dagaallama, horeyna looga bartay in ay sheegtaan mas’uuliyadda qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo qaarkood shacab ahaayeen.

    Alshabaab ma aysan iska fogeynin eedeynta dowladda, mana aysan sheeganin mas’uuliyadda weerarka. Cabdiraxmaan Sahal waa cilmi baare arrimaha xagjirnimada, BBC-da ayuu u sheegay sababta uu ugu malaynayo in Alshabaab ay u sheegan waysay qaraxa.

    “Waxay u aamuuseen waxaa weeyaan qaraxan waxa lagu gumaaday shacab, carruur iyo dumar. Qasaaraha aad buu u badan yahay, taas marka waa dhagar in qofka wixii uu sameeyay uu ka aamuso, waxaa laga yaabaa in ay leeyihiin haddii aad sheegataan khilaaf dhexdiina ah armuu yimaadaa” ayuu yiri.

    Xarunta gurmadka ee Hargaha iyo Saamaha
    Xarunta gurmadka ee Hargaha iyo Saamaha

    Wuxuu intaas ku daray “Haddii ay sheegtaan waxaa ka imanaysa labo arrin; midda koobaad waa kacdoonka shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u naceen Alshabaab oo sii korodhay, kadibna ay ku dhiiradaan in ay iska dhiciyaan, midda labaadna waa, in dhexdooda ay ku kala jabaan, oo ay iska hor yimaadaan, maxaa yeelay Alshabaab iyaga oo nooc kasta ah, haddana lagama weynayo shaqsi shaqsi ay qaaddo qabyaalad ama wax uun, waxaa kale oo suurtagal ah in rag iyaga ka tirsan ay ka soo goostaan”.

    Dadka Alshabaab kasoo goostay waxaa ka mid ah hoggaamiye ku xigeenkii ururka Sheekh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur), wuxuuna shir jaraa’id ku qabtay xarunta gurmadka loogu sameynayo dadkii dhibaatada ay ka soo gaartay qarixii Soobe ee Hargaha iyo Saamaha.

    Wuxuuna yiri: “Annaga muddo aad u fog, oo 10 sano ka hor ah baan ku niri, nimanyahoow ka daaya dadka, way nalagu dirireen oo way joojin waayeen, waxanoo kale Shaamoow ayey ka dhaceen, Hargaha iyo Saamaha ayay ka dhaceen, masjid Bakaaraha ku yaalo ayay ka dhaceen, marxalado ka duwan ayay soo martay. Markii ay waxan oo kale dhacaan anaga ma nihin ayaa la dhihi jiray, markii dambana waxaa dhacday in la sheegto oo la dhoho anagaa geysanay”.

    Murugada Muqdisho ka jirta

    Abuu Mansuur waxa uu sheegay in Alshabaab ay ka dambeeyeen qarixii dhacay “Waxaan ugu baaqayaa in ay ka towbad keenaan. Towbadda waa furantahay, dadka aan la hadlayo waa Alshabaab, waxaan meelaha ka maqlayay Black Water ayaa ka dambaysay, balse aniga ma qabo, sababtoo ah Black Waters wax qarxa iyo gaadiidba way keeni karaan, balse qofkii is qarxiyay ma keeni karaan,” ayuu yiri.

    Cabdiraxmaan Sahal ayaan wax ka weeydiinay waxa laga yaabo inuu ku dhashay qaraxan: “Waxay baraarujin kartaa in xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay midoobaan, waxaa kaloo ay keeni kartaa in ay shacabka dhiiragaliso, aqoonyahanka iyo culumada in ay ku dhiiradaan in ay ka hadlaan, waxaa kaloo keeni karta in waddamada caalamka ee Soomaaliya taageera ay falcelin dhab ah ka sameeyaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

    Askarta dowladda oo ku sugan goobtii qaraxa ka dhacay
    Askarta dowladda oo ku sugan goobtii qaraxa ka dhacay

    Matt Bryden oo ah falanqeeye arrimaha amniga Geeska Afrika ayaa wakaalada wararka ee AP u sheegay “Ma jirto koox aan Alshabaab ahayn oo gudaha Soomaaliya ku sugan oo awood u leh in ay rakibto bamkan intan la’eg”.

    Waxyaabaha hadda la baarayo waxaa ka mid ah nooca miinooyinka loo adeegsaday qaraxa, xogta laga hayo gaadiidkii qaraxa lagu geystay, qofkii wadday ee is qarxiyay, iyo meelihii uu soo maray gaariga.

    Tan iyo intii xukuumadda cusub ay la wareegtay hoggaanka dowladda federaalka, waxaa caasimadda laga ka howlgalayay ciidamo loogu magacdaray xasilinta caasimadda, kuwaas oo dadaalo badan ay sameeyeen ka dib, waxaa soo hagaagay amniga.

    Qaraxa ayaa ahaa mid aad u wayn

    Talaabooyinka ay qaadeen waxaa ka mid ah in la xiray waddooyinkii yaryaraa ee magaalada, waxaana carro tuur lagu shubay meel kasta oo ay waddooyinkaas kaga soo dhacayeen laamiyada waawayn, sidaasi darteed baabuurta oo dhan waxay maraan goobo ay ciidammada joogaan oo ay qasab tahay in lagu baaro.

    Haddaba, waxaa aad suurtagal ah in gaariga qarxay uu soo maray meelo dhawr ah oo ay joogaan askarta dowladda. Sida ay sheegayaan laamaha amniga, baaritaanka la wado “waxaa diirada lagu saari doonaa qaabkii uu gaariga uga soo gudbay barahaasi koontarool”.

    Si kastaba ha ahaatee, qaraxan waxa uu taariikhda ku galayaa in uu yahay kii ugu qasaaraha badnaa ee abid ka dhacay Soomaaliya, waxaana durba jira magacyo ay dadka u bixiyeen, sida “Qarixii dhul gariirka”.

    Muqdisho Qarax Qaraxii Soobe
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQ/Midoobay oo 3 maalmood kadib Goobta Qaraxa la timid Qalab Dad badan badbaadin lahaa [Sawirro]
    Next Article MUQDISHO: Gaari weyn oo Qarax looga shakiyay & iyo degaanka Ceelgaab oo gebi ahaan la xiray [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo