Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Yaa ka dambeeyay Weerarkii Liido..? Nin Somali ah oo heysta Dhalashadda Holland

    Yaa ka dambeeyay Weerarkii Liido..? Nin Somali ah oo heysta Dhalashadda Holland

    January 23, 20163 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wargeyska Netherlands Times ee ka soo baxa dalka Holland ayaa qoray in Ninkii ka dambeeyey Weerarkii Alshabaab habeen hore ku qaadeen Xeebta Liido uu yahay Nin Somali ah oo haysta Dhalashadda dalka Holland ama Netherlands.

    Weriye lagu magacaabo Harald Doornbos, kana faallooda Arrimaha Dagaalladda ayaa sheegay in Ninkii ka dambeeyey Weerarkaas lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed laguna qabtay Muqdisho.

    Harald Doornbos waxa uu Warkaasi ku xaqiijiyey Wareysi uu siiyey Wargeyska NL Times iyo Telefishinka iyo Idaacad Gobaleedka Dowladda Holland ee Omroep Brabant ee Gobalka Waqooyiga Brabant ee dalka Holland .

    Wargeyska Netherlands Times waxa uu qoray in Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa Weerarkii sannadkii hore ka dhacay Hotelke Central Hotel iyo Weerar kale oo sannadkii 2014-kii ka dhacay dalka Jabuuti, laguna dhaawacay 6 Askari oo u dhalatay dalka Holland oo ku sugnaa Jabuuti.

    Wargeyska waxa uu qoray in Weerarkii habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ka dhacay Xeebta Liido ka qeyb qaleen 8 qof oo ka tirsan Alshabaab, oo 6 ka mid ah la dilay, mid uu Isqarxiyey, halka midka kalena ay Ciiddanka Ammaanka qabteen, kaasi  oo la rumeysan yahay inuu yahay Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed oo isagu dalka Holland Qaxooti ahaan u tegay sannadkii 1992-kii.

    Wargeyska waxa uu tilmaamay in Ninkaasi deganaan jirey magaallooyinka Helder iyoTilburg ee dalka Holland.

    Dhinaca kale, Saxafiga Madax-bannaan ee Harald Doornbos ee ka faallooda Arrimaha Dagaalladda, waxa uu sheegay in Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed uu Holland ku guursaday gabar Somali haysata Dhalashadda dalka Holland.

    Harald Doornbos  waxa uu intaasi ku daray inuu rumeysan yahay in Xaaskiisa Ismaaciil Muuse ahayd Haweeneydii sannadkii hore isku qarxisay Hotelka Central Hotel ee magaalladda Muqdisho.

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Holland wey u xaqiijin kari waayeen Telefishinka iyo Idaacadda Omroep Brabant Public Broadcasting regional television and radio broadcaster in the North Brabant Province  waxa ka jira wararka sheegayo in Nin haysta Dhalashadda Holland loo qabtay Weerarkii ay Alshabaab habeen hore ku qaadeen Xeebta Liido.

    Si kastaba ha ahaatee, Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka waxay sheegeen inay qabteen Ninkii Maskaxda u ahaa Weerarkii Alshabaab ee Xeebta Liido, inkastoo aan weli weli la shaacinin  magaca Ninkaas, mana kala cadda in Ninka ay Hay’addaha Ammaanka qabteen uu  yahay Ninka aay Warbaahinta Holland shaaciyeen magaciisa iyo sawirkiisa.

    Alshabaab ayaa sheegatay Weerarkii Baarka Lido Sea Food oo oo ay ku geeriyooday Labaatameeyo qof oo rayid ah, kuwaasi oo si farxad leh u wada shaahayey.

    Beesha Calaamka waxay si wadajir ah u cambaareeyeen Weerarkaasi oo laga wada argagaxay, maadaama dadka lagu dilay ahaayeen dad rayid ah oo aan hubeysnayn.

     

    Top Weerarkii Liido
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRO: Ardayda & Macalimiinta Jaamacada SIMAD uga dhimatay weerarkii Liido
    Next Article DUTCH-SOMALI MASTERMINDED MOGADISHU BEACH BOMBING; 19 KILLED

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo