Waxaa sii xoogeysanaya wararka ku saabsan qorshe lagu doonayo in xilka looga qaado Guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland C/xakiim Dhoobo-daareed.
Mooshinkan ayaa ka danbeeyay muddo bilo ah oo xiriirka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed, waxaana si weyn loo tuhunsan yahay inuu xiriir hoos la leeyahay madaxda dowladda Soomaaliya, isla markaana uu la wado qorsheyaal qarsoon.
Xogta ayaa sheegeysa Wasiirka Maaliyadda Puntland asan Shire Cabdi loo xil saaray mooshinka laga wado Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, iyadoo ololaha mooshinka uu si hoose ku socday maalmihii ugu danbeeyay ayaa la sheegay inuu soo gabagaboobay, iyadoo loo diyaariyey in loo gudbiyo Golaha toddobaadka soo socda.

Waxaa la tuhunsan yahay in fasaxad uu xubnaha Baaralmaanka u diray maanta Guddoomiyaha Mooshinka laga dyaariyey ujeedkiisu ahaa in looga hortago mooshinka, iyadoo Madaxweyne Deni aanu ku faraxsaneyn qaabka uu Baarlamaanka ku hoggaaminayo C/xakiin Dhoobo-daareed.
Xildhibaannada mooshinka ka wada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo ayaa u badan xildhibannada taageersan xukuumadda iyo taageerayaasha Madaxweyne Deni, iyadoo laga cabsi qabo in xiisad siyasadeed ay arrintan ka dhaliso maamulka Puntland.