Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka hadlay fadeexad ka dhalatay ciyaaryahannada da’yarta xulka K/cagta Soomaaliya oo markii lasoo dhoweeyay kadib la sii daayay, kuwaasoo sawiradooda ay qabsadeen baraha bulshada iyadoo Mootooyin Bajaaj ah raacaya.
“Aad baan uga xumahay in cayaartoydii ay Bajaaj raacaan waana baareynaa sababta.. Gobolka waxaan u diyaariyey Basas iyo shacab soo dhoweeya kuna hubsanay Hotel Saxafi, kadibna ciddii u fasaxday waa in Dowladda Federaalka ay baartaa..” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow oo iska fogeeyay eeda arrintan ka dhalatay in fadeexada ay dadka Soomaaliyeed u jeediyeen maamulka Gobolka Banadir iyo wasaaradda dhalinyarada iyo xiriirka Soomaaliyeed.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xiriirka Kubadda Cagta uu fasaxay ciyaartoyda Soomaalida, isagoo ka biyo diiday qorshe loogu talogalay oo ahaa inay dhowr maalmood Hotel la dejiyo, waxaana warka guddoomiye Yariisow ku jira eedeyn uu si toos ah ugu jeedinayo Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo uu guddoomiya u yahay C/qani Siciid Carab.
Yariisow ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay baaritaan ku sameyso arrintan, isagoo u muuqda inuu eeda isaga rogay xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta. Waxaa kaloo doorkeedii gabtay Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga oo soo dhoweyn ku soo idlaatay shaqadeedii, iyadoo ay ahay arrinta mid qaran oo ciyaarayahannada ay metelayeen Qaranka Soomaaliya.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa xoogga saartay soo dhoweynta ciyaartoyda, balse waxay shaqadeedii iyo waajibaadkeedii u dhaaftay xiriirka Kubadda Cagta, kasoo meel uga dhacay maamuuuska looga fadhiyey.
Baraha Bulshada ayaa si weyn loogu falanqeeyay qaabka loola dhaqmay ciyaaryahannada Soomaalida ee magaca u soo hooyey umadda, kuwaasoo daqiiqado kadib markii si weyn loo dhooweeyay haddana la sii daayey, waxaana muuqaalada sawirrada oo la isla dhex maray ay si toos ah u eedeynayaan Gobolka Banaadir.
Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta ayaa gacanta ku hayey ciyaartoydan oo FIFA ay kaalmo ku siiso, waxayna arrinta oo dhami u muuqataa in ciyaartoyda ay ku dhex lumeen saddex Hay’adood oo aan iska war qabin, iyadoo Guddoomiye Yariisow oo dadka qaarkood si weyn ugu eedeeyeen arrintan uu eeda iska rogay.