Waxaa xalay iyo maanta baaqday kulan lagu waday inay yeeshaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo kulan kale oo ay isku arki lahaayeen Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta iyo madaxda maamul Goboleedyada.
Arrintan ayaa timid kadib markii horumar laga gaaray kulamo maalintii saddexaad dhex maray shanta madaxweyne ee maamul Goboleed oo looga dooday xal u helida khilaafka doorashada iyo sidii loo qaban lahaa shirkii wadatashiga madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada.
Qorshihii ugu dhowaa in shirkaasi qabsoomo ayaa ahaa inuu wejiga hore ee shirku ku koobnaado Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, laguna xaliyo khilaafaadka horyaalla shirka weyn, laakiin waxaa arrintan soo dhex galay Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hor istaagay saddexda madaxweyne ee taageersan (Galmduug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed).
Farmaajo ayaa dib uga noqday dhammaan rajadii uu markii hore muujiyey ee inuu ogol yahay inuu maamulka Doorashada ku wareejiyo Ra’iisal wasaaraha, marka la saxiixo heshiiska Doorashada iyo inuu qoro warqada xaaladda kala guurka ee xaddideysa awooddiisa, inkastoo uuka gows qabsaday arrinta ku saabsan damaanad qaadka Doorashada ee Beesha Caalamka iyo inay shirka ka qeyb galyaan cid aan ahayn dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
Kulamadii is-daba joogga ahaa ee toddobaadkan rajada badan laga qabay ayaa mar kale mugdi sii galaya, iyadoo Maxamed Farmaajo, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo aan is arki karin ay xaaladda ka dhigeen mid cakiran, waxaana isaga dab qaadaya Axmed Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo C/casiis Lafta-gareen oo taageersan Farmaajo dhexdhexaadna noqon karin.
Beesha Caalamka ayaa hadda ah awoodda kaliya ee harsan si ay xaaladda u farageliso, iyadoo aanay weli u muuqan inay qaadaneyso kaalin xoog leh oo la jaanqaadi karta is-mari waaga taagan.
