Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Yaa ka mas’uul ah Nadaafadda sii xumaaneysa ee Muqdisho? [Daawo Waxqabadka Guddoomiye Yariisow]

    Yaa ka mas’uul ah Nadaafadda sii xumaaneysa ee Muqdisho? [Daawo Waxqabadka Guddoomiye Yariisow]

    July 31, 20185 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dabayaaqadii bishii January-2018; madaxweyne Farmaajo; ayaa Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, waxa uu u magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir, taas oo ka dhignayd in Eng. Yariisow Bedelayo guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi, magacaabista Eng. Yariisow ee guddoonka gobolka Banaadir waxa ay dad badan ula muuqatay in canshuurta laga qaado muwaadiniinta ku nool Muqdisho ay dib ugu noqon doonto  hagaajinta iyo horumarinta gobolka Balse ku dhowaad 8 bilood kaddib oo uu xilka haya Eng: Yariisow maxaa iska beddelay Muqdisho? Maxaa ku soo kordhay? Canshuurtuse ma ku noqotaa iyada oo adeeg ah canshuur-bixiyeyaasha?.

    Suuqayada waaweyn, jidadka iyo goobaha muhiimka u ah bilicda caasimadda ayaa isu rogay meelo biyuhu fariistaan, kuwo qashinka lagu daadiyo iyo meelo ay Lo’du fariisato iyada oo ganacsiga, guryaha, gaadiidka iyo adeegyada kala duwan ee gobolka ay dowladda hoose ee Muqdisho ka qaadato canshuur aad u badan, Eng: Yariisow ayaa sheegay intii ku cusbaa xilka guddoomiyaha gobolka in muddo 3 bilood ah ay bixiyeen dadka ku nool gobolka Banaadir lacag dhan 42; milyan oo dolar.

    Degmooyinka Howlwadaag, Wadajir, Xamarweyne, Waaberi iyo Hodon ayaa kamid ah degmooyinka caasimadda ee  ay dadka iyo deegaanku ku dhibban yihiin nolosha iyo ganacsiga, sidaas oo kale waxa ay degmooyinkaasi safka hore uga jiraan suuqyada waaweyn ee ay dowladda hoose ee Muqdisho ka qaaddo casnhuurta, jidadka qaarkood ayaa qashinku xiray, waxa ayna dadweynuhu ku ganacsanayaan meelo aad u nadaafad iyo fayo-dhowr xun, waxa ay nadaafadda iyo bilicdu hoos u dhacday kaddib markii uu xilka guddoonka gobolka yimid Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, sababta ugu weynna waxa laga yaabaa in ay tahay guddoomiyaha oo waqtigiisa inta badan ku qaata furitaanka xafladaha, ciyaaraha, safarada dibadda iyo isticmaalka Facebook, iyada oo aragtida maamul iyo howsha bixinta adeeg bulsho ay suuragal tahay in aanay ku jiran qorshaha maamulka gobolka.

    Jidadka soddonka iyo Wadnaha oo kamid ah waddooyinka la dhisay ka hor  intii uusan xilka qaban  guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadda qarka u saaran in ay qarsoomaan qashinka iyo carada ay biyuhu keenaan awgood iyo lo’da oo ay hoy iyo xero u yihiin labadaas jid iyo meelo kale oo badan oo kamid ah caasimadda.

    Degmooyinka qaarkood sida Howlwadaagiyo Xamar Jajab oo kale waxa ka jira nadaaf iyo deegaan xumo weyn, sidaas oo tahayna waxa kuyaal suuqa Bakaaraha oo lacag badan oo canshuur ah ay ka hesho dowladda hoose ee Muqdisho.

    Inkasta oo guddoomiyaha gobolku soosaaray amar magaalada muqdisho looga mamnuucayo xoolaha hadana amarkaasi  afka ma dhaafin, guddoomiyuhuna waxa uu dhowr meelood ka sheegay in laga shaqeynayo bilicda caasimadda hayeeshee bilici ha joogtee waxa ay taagan tahay in qashinku xiro jidad waaweyn, xayiro ganacsiga islamrakaana halis ku noqdo nolosha dadweynaha, halka Lo’duna ay deegaan iyo hoy ka dhigato farasmagaalaha iyo jidadka waaweyn.

    Isgoysyada waaweyn ee Muqdisho qaarkood waxa ay hoy u noqdeen qashin, Lo’ iyo ciid farabadan oo ay roobabku keeneen, halkii ay ahayd in gobolku awooddiisa isugu geeyana waxa uu gobol door biday in haweenka degmooyinka loo isticmaalo in ay subaxa hore tagaan laamiyada iyaga oo aan qalab iyo gaadiid haysan balse loo muujiyo in ay shaqo hayaan, taas qudheedu hadda waxa ay u muuqataa mid sii yaraaneysa.

    Ciidda iyo qashinka ay keenaan roobabku ayaa xira Jidadka waaweyn ee caasimadda iyada oo ay adag tahay in gaadiidka iyo dadweynuhu socdaan marka roobku da’o,

    Gaadiidka dadweynaha sida BL-ka iyo Bajaajka waxa loo canshuuraa si joogto ah balse canshuurtaasi kuma noqoto iyada oo adeeg ama gabbaad ah, sidaas awgeed waxa aad maqashaa dilka dhallinyarada kaxeysa Bajaajka, guddoomiyaha iyo guud ahaan maamulka gobolka oo u qareemi lahaa waxa ay ku jiraan fantasyo iyo kulamo aan macno lahayn oo intooda badan loo qabto si Facebook wax loogu qaro ama loo soo geliyo sawiro.

    Lacag u dhexeysa 15-20 dollar ayay dowladda hoose ee Muqdisho casnhuurtaa Bajaajka bishii, halka 50-60 dollar la canshuuro gaadiidka kale ee dadweynaha,halka gaadiidka gaarka ah ee raaxada bishii la canshuuro  15-20 dollar, sidaas oo tahayna jidadka oo wax weyn loga qaban karo lacagtaas waxa ay ku sugan yihiin nadaaf xumo, ciriiri iyo dhibaato ay u geystaan biyuhu.

    Inta badan suuqyada waaweyn waxa ay dowladda hoose ee Muqdisho ka qaadataa canshuur joogto ah, iyada oo ay aad u yartahay canshuur ku baaqata ganacsiga iyo adeeg yada kale,.

    Sida uu sheegay guddoomiye Yariisow gobolka Banaadir waxa bishii laga qaadaa canshuur dhan 14; milyan oo dollar, waxa ay lacagtaasi haddii si fiican loo maamulo ku filan tahay horumarinta iyo hagaajinta caasimadda, balse waxa jira maamul xumo iyo xilgudasho la’aan sababtay in nadaafadda iyo bilicda caasimaddu hoos u dhacaan laga soo billaabo billowgii sanadkan, iyada oo qashinka iyo faya-dhowr xumadu ku soo kordhayaan degmooyinka caasimadda.

    Taas waxa muujiyey goobaha ay ku ganacsanayaan muwaadiniintu, qaarkood ayaa u sheegay Barnaamijka Kobciye in iyaga oo saluugsan waxa lagu qabto casnhuurta laga qaado ay haddana ku dul ganacsadaan deegaan qashin iyo dukaafad ah.

    Inkasta oo ganacsatada gobolka Banaadir ay awood iyo karti fiican u yeesheen bixinta iyo jogteynta canshuurta saaran ganacsigooda sida uu sheegay guddoomiyaha gobolku haddana shirkado nadaafadeed oo si gaar ah loo leeyahay oo gobolka Banaadir u xiray nadaafadda Muqdisho waxa ka qaataan dadweynaha lacag joogto ah oo bil walba ayy qaataan iyaga oo uga sii daray nadaafadda iyo bilicda Muqdisho.

    Bixinta canshuur aan beddel lahayn waxa ay sababtaa kalsooni la’aan iyo kala xiriir furasho dadka la xukumo iyo kuwa wax xukuma, maamulka gobolka Banaadir ee hadda jira waxa uu horseeday in dadweynaha gobolka Banaadir ay shaki geliyaan daacadnimada maamulka gobolka, iyada oo nidaamka wadda-maridda, Nadaafadda iyo shaqo-gudashadu ay aad u hooseeyaan haddana canshuurta gasha qasnadda dowladda hoose iyo dhaqaalaha gobolka ka helo canshuurta dekedda Muqdisho midkoodna ma muuqato in ay kusoo noqonayaan Muqdisho iyaga oo adeeg iyo hagaajin ah, muwaadiniinta qaarkood oo isbabar-dhig ku sameeyey maamulka gobolka ee hadda jira iyo maamulkii ka horreeyey ayaa muujiyey in maamulkii hore uga wanaagsan kan hadda jira dhinaca dhiirrigelinta iyo kobcinta adeegga dadweynaha..

    Isha: Radio Risaala

    G/Banaadir Muqdisho Nadaafadda Muqdisho Yariisow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleIslaan Bashiir Islaan C/lle oo Cambaareeyay in Ra’iisal wasaare Kheyre diido dhagax-dhigga Dekadda Garacad
    Next Article Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho & Ninkii falka geystay oo la dhaawacay, balse baxsaday…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo