Waxa magaalada Muqdisho goor dhoweyd lagu soo gabagabeeyay doorashada Kursiga HOP201 ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kursigan oo uu hore ugu fadhiyey Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta C/raxmaan Ducaale Beyle, waxaa kusoo baxay Dr. Cabdilaahi Xaashi Abiib oo doorashadii sanadkii 2016 looga adkaaday, waxaana daqiiqado ka hor Doorashada inuusan tartameynin shaaciyey Wasiir Beyle.
Dr. C/llaahi Xaashi ayaa dhowaan kasoo muuqday bandhig ay sameyeen siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beelaha Waqooyi Garabka Mahdi Guuleed, isagoo jawaab adag u diray dhinaca Cabdi Xaashi Prof. Cabdi Ismaciil Samatar iyo Boqor Buurmadow.
Doorashadii 2016 ayuu Dr. Beyle ku qaatay kursigan 48 Cod, halka uu Dr. C/llaahi Xaashi Abiib ka helay 2 cod oo kaliya.
