Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Yaa leh Amarka ugu danbeeyay ee Ridista Hubka halista ah ee Niyukliyeerka 9-ka Dal ee heysta..?

    Yaa leh Amarka ugu danbeeyay ee Ridista Hubka halista ah ee Niyukliyeerka 9-ka Dal ee heysta..?

    March 2, 2022Updated:March 2, 20224 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Akhriso: 9-ka Dal ee heysta Hubka Niyukliyeerka iyo Amarka ugu danbeeya ee lagu adeegsan karo

    Waxaa xilligan soo kordhay cabsida ah in Hubka Niyukliyeerka la adeegsado, kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu heegan geliyey ciidamadiisa gacanta ku haya Hubka Niyukliyeerka, xilli uu socdo dagaalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

    Adeegsiga hubka Nukliyeerka ah oo ugu halisan hubka uu aadanuhu sameeyay ayaa geysan kara bubur lagu baaba’o, haddaba waxaa la is weydiinayaa cidda go’aan ka gaari karta in la rido ama la adeegsado Hubka Nukliyeerka ah, iyadoo ay 9 dal oo Dunida aj heystaan Hubkan.

    Warbixin uu qoray waregeyska Le Point ee Faransiiska ayaa salka ku heysa Daraasad ay diyaariyeen laba khabiir oo juquraafiga ah, kaasoo uu ku kala saaray qeybood oo kala ah: Isticmaalka hubka nukliyeerka iyo Cidda awood u leh ee bixisa amarka ugu danbeeya ee in la adeegsado.

    Go’aanka ridista hubkan waxaa inta badan bixiya madaxweynaha dalkaasi, sida Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya , halka dalalka kale ay guddiyo iyo Hay’adaha Amniga Qaranka la wadaagaan.

    Warbixinta ay qoreen khubarada Jeffrey Lewis iyo Bruno Tartree, waxay sheegeysaa Awoodda Hubka Nukliyeerka ee Dawladaha ku hubaysan Hubkan, sida go’aanka isticmaalka hubka Nukliyeerka.

    9-ka dal ee heysta hubka Niyukliyeerka sida loo go’aamiyo in la adeegsado waxay kala yihiin:

    Maraykanka

    Dalka Maraykanka, sharcinimada uu madaxweynuhu helo marka la doorto ayaa siinaysa awood toos ah oo degdeg ah arrimaha Nukliyeerka. Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo uu awood u leeyahay inuu amro isticmaalka hubka nukliyeerka isagoo ah madaxa ciidamada qalabka sida, laakiin riixitaanka badhanka nukliyeerka ayaa u baahan yahay amarro taxane ah oo ay tahay in ugu dambeyntii ay ansixiyaan laba qof.

    Ruushka

    Ruushka, oo uu madaxweynuhu yahay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, ogolaanshaha isticmaalka hubka nukliyeerka waxaa bixiya: madaxweynaha, wasiirka difaaca, iyo taliyaha guud ee ciidamada. Ogolaanshahan waxaa lagu bixin karaa laba siyaabood: iyadoo loo marayo taliska iyo shabakada kontoroolka elektaroonigga ah ee Kazbek ee Ruushka, ama iyada oo loo marayo nidaamka xakamaynta hubka nukliyeerka ee wakhtiga qaboobaha ee loo yaqaan Perimeter.

    Putin ayaa laga cabsi qabaa inuu hubkaasi adeegsado, kadib markii uu toddobaadkan heegan geliyey ciidamadiisa haya hubkaasi, waxayna arrintan dhalisay dood weyn oo ku saabsan inuu dagaalkii saddexaad ee dunida noqdo mid la isku adeegsdo Hubkan halista ah.

    Ingiriiska

    Dowladda UK waxaa go’aanka ridista Hubka Nukliyeerka ah leh Ra’iisul Wasaaraha, laakiin amarkan ma dhici karo, iyadoo aan lagala tashan Boqorada ama Boqorka UK, waxaana taariikhda dalkan ay muujineysaa in la isticmaalo hubka Nukliyeerka ah. Hubka nukliyeerka ayaa noqon doona “go’aan wadareed wasiir”, iyadoo la ilaalinayo dhaqanka Ingiriiska.

    Faransiiska

    Faransiiska, wuxuu dastuurka dalkaasi dhigayaa in madaxweynaha uu yahay madaxa ciidamada qalabka sida, kaas oo u oggolaanaya inuu isticmaalo hubka nukliyeerka. Inkastoo aysan jirin wax ku waajibinaya inuu kala tashado mas’uuliyiinta kale , go’aanka isticmaalka hubka nukliyeerka waxaa lagu xaqiijiyaa “silsilad amniga”, iyo sidoo kale “silsiladda fulinta” ee ra’iisul wasaaraha, kormeeraha hubka nukliyeerka, iyo madaxda gaarka ah oo ka mida taliska ciidamada.

    Shiinaha

    Dalkan, ciidamada Nukliyeerka ee Shiinaha ayaa hoos taga guddiga dhexe ee militariga ee xisbiga shuuciga, kasoo uu hogaamiyo madaxweynaha China, guddigan wuxuu ka kooban yahay 7 xubnood, oo ay ku jiraan wasiirka gaashaandhigga, madaxa shaqaalaha iyo wakiillo ka socda koox kasta ciidamada qalabka sida ka mida.

    Marka la eego in madaxweynaha uu yahay qofka kaliya ee rayidka ah ee ku jira guddiga dhexe ee ciidamada, waxaan shaki ku jirin inuu go’aanku isaga u gaar yahay, balse waa inuu la tashado mas’uulka ugu muhiimsan siyaasadda dalka – Guddiga Joogtada ah ee Siyaasadda

    Israa’iil

    Sida uu qabo dastuurka, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil wax awood ah uma laha ciidamada dalkiisa, waxaana go’aannada difaaca go’aamiya guddiga heer wasiir ee qaabilsan amniga qaranka oo ka kooban 7-10 xubnood oo wasiirada dowladda ka tirsan.

    Hindiya

    Hindiya, in kasta oo Madaxweynaha uu yahay taliyaha ciidamada qalabka sida, kaliya Golaha Siyaasadda, oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha, ayaa loo oggol yahay isticmaalka hubka nukliyeerka. Go’aanka Hubkan wuxuu u yaallaa Ra’iisal Wasaaraha, balse ma amri karo in la riixo badhanka Nukliyeerka ridaya, haddii aanu ogolaansho ka haysan La-taliyaha Amniga Qaranka.

    Pakistan

    Ciidamada Nukliyeerka ee Pakistan ayaa tan iyo sanadkii 2007 hoos tegi jiray maamulka ‘National Command Authority (NCA)’, waxaana hogaanka guddigan oo horey loogu aaminay Madaxweynaha, kadibna waxaa lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha sanadkii 2009-kii.

    NCA waxay gaartaa go’aan kasta oo lagu isticmaalo hubka nukliyeerka oo u baahan in wadajir loo gaaro, haddii aysan taasi dhicin waxaa amarka leh afhayeenka NCA. Ra’iisul wasaaraha iyo madaxa dowladda labadaba waa inay oggolaadaan hawlgelinta xeerarka loo baahan yahay si loo qeexo hubka nukliyeerka.

    Kuuriyada Waqooyi

    Inkasta oo ay jirto xog yar oo laga helayo barnaamijka hubka Nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi, haddana waxa ay u muuqataa in “loo isticmaali karo oo keliya amarka Taliyaha ugu sarreeya ee Ciidanka Kuuriyada Waqooyi”, iyadoo la raacayo sharci soo taxnaa 2013-kii, mas’uuliyaddana waxay saaran tahay madaxda ciidamada oo ah hoggaamiyaha Kim Jong-un.

    Nuclear Russia Top Vladamir Putin
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBeledweyne: Doorashada Kuraasta ugu adag ee Beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel oo la shaaciyey
    Next Article Akhriso: Liiska 12 Musharax oo Berri u tartamaya 6 Kursi iyo Xubnaha loo xiray ee kusoo baxaya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo