Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu dhowaan Guddoomiye cusub u magacaabo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Waxaa la hadal hayaa in xilkan loo magacaabi doono laba shaqsi oo kala duwan, waxaana soo baxaya in Yusur Abraar oo loo waday xilkan ay ka cudurdaaratay.
Warar aana la xaqiijin ayaa sheegaya in guddoomiyaha Bankiga Dhexe loo magacaabi doono wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Aaden Ibraahim (Fargeeti) oo uu wato guddoomiyaha Baarlamaanka.
Magacaabiddan aya lagu xalin doonaa kacdoonka weyn ee Beesha Digil iyo Mirifle kaga uga hor timid in laga wareejiyo Wasaaradda Maaliyadda, laakiin waxaa soo baxay warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo saluugsan yahay magacaabidda Fageeti.
Bankiga Dhexe oo ka mida hay’adaha ugu muhiimsan maaliyadda dalka ayaa xiligii dowladii Xasan Sheekh soo maray saddex Guddoomiye, waxaana hadda ku socda isbedelkii koowaad ee dowladda cusub, taasoo ay ugu wacan tahay awood qeybsiga beelaha.
Wadani.com