Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Yaa maanta loo Dooran doonaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka [Warbixin Sawiran iyo Xog]

    Yaa maanta loo Dooran doonaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka [Warbixin Sawiran iyo Xog]

    January 11, 2017Updated:January 11, 20173 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyihii Baarlamaanka 9aad ee Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa mar kale u tartamaya xilka doorasho maanta ka dhici doonta Muqdisho.

    Musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa afar musharax oo marka laga reebo mid ka mida intooda kale kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.

    Saadaasha Doorashada Maanta iyo warbixin ku saabsan afarta musharax  hoos ka akhriso

    Prof.  Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)

    Waa Guddoomiyaha baarlamaankii ugu danbeeyay ee sagaalaad, waa Aqoonyahan leh khibrad shaqo oo hore u soo qabtay xilal dowladeed oo kala duwan. Wuxuu kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle oo lagu riixo xilkan. Waxaa si weyn loogu saadaalinayaa inuu ku guuleysan doono xilkan markii labaad, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo aanu tartanka ku jirin musharax u dhigmi kara. Jawaari ayaa noqon doona mas’uulka ugu weyn ee Qabyadiisa dhameystira. Wuxuuna ka faa’iideystay taageero yari ku timid Qorshihii Shariif Xasan ku doonayay in musharax Daarood ah loo doorto xilkan isagoo soo sharxay musharaxa labaad ee hoos ku qoran.

    C/rashiid Maxamed Xiddig

    Waa musharax u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka markii ugu horeysay, khibradiisa hore waa mid yar oo ku kooban dowladihii KMG ahaa,  wuxuuna hore u soo qabtay xilal wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowle. Wuxuu taageero ka heysta isbaheysi uuu hogaaminayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilligii ugu danbeeyay kala daatay. Dhacdooyinkii ugu danbeeyay waxay muujiyeen inuu inksto uu noqon doono musharaxa kaalinta labaad ka gala tartanka inuusan wax guul keeni doonin. Dad aad u yar ayaa qaba in mucjiso dhici karto si Xiddig xilkan ugu soo baxo, laakiin waxaa iska cad inuu mari doono jidkii uu maray Cali Khaliif Galeyr doorashadii 2012.

    Cabdifataax Maxamed Geesey

    Waa musharax ka soo jeeda Digil & Mirifle oo dhinaca khibradiisa iyo aqoon ahaanbta ku kooban tahay xilliyadan dambe. Wuxuu wasiir ka ahaa maamulka Koonfur Galbeed, horena u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Bay, ma jirto rajo ku saabsan inuu xilkan ku guuleysan karo ama codad badan ka heli karo xildhibaanada, waxaase musharaxnimadiisa ay ahayd mid uu ku doonayo inuu ku xumeeyo Shariif Xasan oo arrimo kala dhaxeeyaan.

    Idiris Cabdi Dhakhtar

    Waa musharaxa waa aqoonyahan dhinaca beeraha iyo Daaqa ah, wuxuu hore u noqday Guddoomiye ku xigeen Gole la baxay Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed, wuxuu kaloo ka mid ahaa madaxweynayaashii sheegtay inay maamulka Jubbaland madaxweyne u yihiin. Idiris ayaa leh mowqifyo xag jira oo beeshiisa Digil & Mirifle ku difaaco. Rajadiisa xilkan waa la oran karaa waa tan ugu hooseysa musharixiinta.

    Wadani.com

    Doorashada 2016 Guddoomiye Baarlamaan Jawaari Top Xiddig Yaa ku guuleysan doona
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSoomaaligii ugu horeeyay oo noqday Wasiir ka tirsan Dowladda Dalka Kanada
    Next Article Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud oo xilkii laga qaaday & Wareegto cusub

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo