Waxaa saaka la sheegay inuu magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Ku-xigeenka guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cali Yare, ahna taageere weyn oo baraha bulshada ka difaaca madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Facebook u shaaciyey inay Fahad Yaasiin saaka aroortii diyaarad qaas ah keentay magaalada Muqdisho.
Dhowr jeer oo hore ayaa la sheegay inuu Muqdisho ku soo laabtay Fahad Yaasiin, waxaana la ogaa in markii hore imaanshihiisa uu qarsoodi ahaan jiray, halka Gaari iyo ciidamo gaara ay diyaradda ugu tegi jireen.
Fahad Yaasiin oo uu xilka ka qaaday Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble arrin ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaal ka tirsan NISA laguna waayey magaalada Muqdisho, iyadoo lagu tuhunsan yahay madaxda Hay’adda NISA.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradçha rakaabta ay diideen inay soo qaadaan Agaasimihii hore ee NISA, kadib digniin amni oo laga bixiyey tegista Muqdisho ee Fahad Yaasiin.
Fahad Yaasiin ayaa wajahaya kiis fadeexad noqday oo keenay inuu khilaaf culus ka dhex abuuro madaxda sare ee dalka, waxaana weli xal loo helin maqnaanshaha Sarkaalladda NISA iyo loolanka awood ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.
