Ururka Daacish ee Khilaafada Islaamka uga dhawaaqay Ciraaq iyo Suuriya ayaa goor dhoweyd shaaciyay muuqaal Video ah oo muujinaya dilka duuliye u dhashay dalka Urdun  Macaad Kasaasba oo ay gacanta ku dhigeen markii ay soo dhacday diyaarad dagaal oo uu waday 24 December 2014 mee u dhow xaruntooda magaalada Raqqa ee dalka Suuriya.
Muuqaalka ayaa muujiya in duuliyaha loo dilay si aad loola yaabo oo ah in dab lagu gubay kadib markii qol ka sameysan silsilad biro ah la dhex geliyay laguna xiray oo dab lagu shiday isagoo nool. Dadkii daawaday muuqaalkaasi ayaa argagax ka qaaday.
[ad name=”HTML-2″]
Ciqaabtan aan hore loo arag ee Daacish la timid ayaa ah tii ugu xumeyd ee abid la maqlo kadib xasuuqii la sheegay in Yuhuuda uu ku laayay Hitler. Warka dhacdadan ayaa noqday kan ugu weyn ee caawa laga hadal hayo dunida oo dhan.
Duuliyaha oo muslim ahaa, iyo Daacish uu sheegata inay muslim tahay waxaa caawa soo baxaya inaysan diinta islaamka meelna ku lahayn kooxdan iyadoo uu Rasuulku SCW reebay in dab wax lagu cadaabo. Dilkan ayay wararku sheegayaan inuu dhacay muddo bil ka hor ah.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]