Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Yam Yam yeen “Soomaali baan Ahay” [W/Q: Yusuf Garad]

    Yam Yam yeen “Soomaali baan Ahay” [W/Q: Yusuf Garad]

    July 30, 20163 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Cabdulqaaddir Xersi Yam Yam oo ahaa hal-abuur iyo mufakir, Allah ha u naxariistee wuxuu tiriyay hees

    la yiraahdo Soomaali baan ahay oo xikmad weyn xambaarsan ka sokow faanka iyo gooddiga Soomaalinnimo ee badankeen aan jecel nahay.

    DHAGEYSO HEESTA SOOMAALI BAAN AHAY

    http://masuul.com/hees/heesaha/tuvw/wadani/soomaali%20baan%20ahay.mp3

    Waxay tilmaameysaa sifooyin aad u sarreeya oo ay Soomaalidu leedahay, aniguse aan is iri Soomaalidu ma wada laha sifooyinkaas wanwanaagsan ee waa sida uu Yam Yam nala jeclaan lahaa.

    Erayada Yam Yam ee tilmaamaya iska caabbinta, dhiifoonaanta iyo faan kale oo badan waan iska qaadan karaa oo Soomaali badan wey leeyihiin sifahaas.

    Xagga qabka wuxuu leeyahay “Sida dunida qaarkeed, Sandulleynta ma oggoli, ninna kabaha uma sido”.

    Dinaca iska caabbinta “Nin i sigay ma nabad galo, Nin i sugayna (Sugnaan) maba jiro”.

    Feejignaanta iyo haddana ka fiirsiga wuxuu leeyahay “Dabayshaan la socod ahay, Salfudeydna uma kaco”.

    Xagga Abaalka wuxuu leeyahay “Saaxiib nin aan nahay, Cadowlgeyga lama simo Soomaali baan ahay“.

    Laakiin marka uu caddaaladda ka hadlayo wey isu key qaban waayeen muuqaalka uu bixinayo iyo dhaqanka Soomaali inta aan ka aqaan. Wuxuu yiri  “Sinnaantaan la magac ahay, San-ku-neefle ma oggoli in uu iga sarreyn karo”.

    Dabcan marka aad leedahay cid iga sarreysaa ma jirto, haddii aan hadalka si kale u dhigno waa in aad qiran tahay in aan la kala sarreyn. Eeg, Yam Yam inta aanuu noo sheegin in aanuu oggoleyn in laga sarreyn karo, wuxuu noo sheegay in uu aamminsan yahay sinnaanta Aadanaha.

    Intaas haddii aad qirto, macnaheedu waxaa uu yahay in aanad adiguna cidna ka sarreyn.

    Meesha aan anigu doodda gelinayo waxay tahay marka Soomaalida qaar la liido qaarna la sara mariyo sida wax qeybsiga siyaasadda ka muuqata, sida bulshada dhexdeeda ka muuqata xagga sheekooyin-dhaqameedka iyo guurka, ma waxaan dhihi karnaa Soomaalinnimadu waa mid aamminsan ama ku saleysan sinnaan?

    Waa Maya.

    Sida aan qabo, quursiga iyo liidka ku saleysan heybta ee Soomaalida dhexdeeda lagama gudbi karo keligeed, haddii aan bulshadeennu joojin quursi iyo faquuq Aadane oo dhan. Waxaan ula jeedaa ajnebiga isir ama qowmiyad darteed haddii aan qaarkood u quursanno, oo aan isu qabno in aan ka sarreyno, macnaheedu waa in aan aamminsan nahay in aadanuhu uu kala sarreeyo isir ahaan. Markaasna waxay soo geleysaa dhexdeenna.

    Waxaa igala habboon in aan ubadkeenna ku barbaarinno, annaguna aan tusaale u noqono in bani’aadamka aan qof qof ugu qiimeeyno fikirkiisa iyo falkiisa.  Qof qof waxaan ula jeeda in qof kasta oo qaangaar ah uu keligiis mas’uul ka yahay fikirkiisa iyo falkiisa, ayna kala madax bannaan yihiin qof kale oo kasta, xataa waalidkii dhalay iyo kuwa uu isagu dhalay.

    Yam Yam Ilaahow u naxariiso oo Ilaahow ajar ka sii guubaabada iyo wax-u-sheegga Umadda Soomaaliyeed oo uu muddo dheer waday iyo khataraha uu u qaatay Soomaalinnimada.

    Posted by Yusuf Garaad

    Heesta Soomaali baan ahay Soomaali baan ahay Yamyam Yusuf Garad oo dood ka keenay Yuusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Faarax C/qaadir oo ka hadlay Doorashada Soomaaliya 2016 [DHAGEYSO]
    Next Article Safiirka Turkiga: Basaborka Somaliland waxaan u aqoonsanahay ID lagu joogo degaanadooda”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo