Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Yariisow oo bilaabay olole ka hortag Xil ka qaadis lagu sameeyo [Maxaa ka qabsaday Baraha Bulshada..?]

    Yariisow oo bilaabay olole ka hortag Xil ka qaadis lagu sameeyo [Maxaa ka qabsaday Baraha Bulshada..?]

    September 14, 2018Updated:September 14, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar CusmaanYarisow ayaa maalmihii ugu danbeeyay bilaabay olole nooc cusub ah oo uu ku doonayo inuu ku difaaco qorshe socda oo ku saabsan in xilka looga qaado.

    Guddoomiye Yariisow ayaa Gobolka Banadir ka bilaabay shirar ku isu soo baxyo si aan hore loo arag loogu taageerayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna ku dhaqaaqay tallaabooyin aad loola yaabay oo baraha bulshada si weyn looga dooday.

    Tallaabadii ugu horeysay ayaa ahayd in xafladii furitaanka kalfadhiga Afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya uu isugu geeyay boqolaal haween ah oo laga soo ururiyey degmooyinka G/Banaadir, kuwaasoo sitay boorar uu ku sawiran yahay madaxweyne Farmaajo, taasoo lagu tilmaamay arrin ku cusub dhaqanka siyaasadda iyo kalfadhiyada Baarlamaanka.

    Tallaabadii xigtay ee Yariisow ku dhaqaaqay ayaa noqotay inuu abaabulo shirar wareegyo ka dhacaya  xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir oo lagu taageerayo madaxweynaha Soomaaliya iyo nabadeyntii uu ka sameeyay  dalalka Geeska Afrika, iyadoo la isugu keenayo dadweyne caruur iyo haween u badan, wuxuuna shirkii ugu danbeeyay ka dhacay xarunta degmada Wardhiigley.

    Image may contain: 39 people, people smiling, people sitting and child

    Guddoomiye Yariisow aya sidoo kale baraha bulshada iyo warbaahinta taageerta ku harqiyey qoraallo lagu taageerayo siyaasadda madaxweynaha Soomaaliya ee IS-XILQAAN iyo kaalintii uu ka qaatay nabadeynta Geeska Afrika, arrintan oo badan ku tilmaameyn guulwadeyn iyo dadaal uu xilkiisa halista ku jira ku ilaashanayo.

    Qaar ka mida dadka baraha bulshada sida weyn ugu naqdiyay tallaabooyinka Yariisow hoos ka akhriso:

    “Walaaloow sidaan daacad miyay kaa tahay? War wadooyinkii waa wada mugdi Nalalkii Soolarka badankood ma shaqeynaayaan, Amni ma jiro maalin iyo habeen dad shacab ah ayaa wadooyinka iyo suuqyada lagu dilaa, Caafimaad iyo waxbarasho lacag la’aan ma jirto, marka Su’aashayda waxay tahay Aaway mas’uuliyadii ku Saarneed? Maxaadse lagu Qabtaa Canshuurta Gobolka Banaadir?” [Ladan Axmed Cali ]

    **********

    Alle halaga baqo ma ahan masuuliyadnimada in malin walbo
    La isku sawero dad hadna wadankii aan waxba lo qabanaynin
    Qaraxna joogto yahay mudane gudoomiye mahan inaan u hadlaayo inaan lid ku ahay dowladnimada eee waxan la yabaaa masuliyinta somalida in uu masuuliyada qaado aad u jecelyihiin balse waxba aan lo qabanaynin umadii somaliyeed [
    Yahye Ismail ]

    **********

    “Aniga kama soo horjedo dowlada wan tagersanahay lkn waxan kaso horjedaa yariisow wayo howshiisa looma bogin wa laga soo cawadaya shaqalihi qata katagan yhn marka aderow umada been ha ushegi gobolka benadir inta adiga gacanta ku haysid hormar lagama sugaye booska iska banee wan ku dhibsanee farmaajo waxan ka codsanayna hadii aa nahay shacabka somaliyed inuu ninkan naga hor warejiyo (Wiilka Qaranka Somaliyeed)”

    **********

    “Gobalka banaadir wax uqabo shaqada Madaxweynaha faraha kla bax wasaqda gobalka banaadir taala ka nadiifi wadooyinka dhis [Yaya Üpđýwali Moha]”

    **********

     GAWARIDA QAALIGA AH EE XABADA KARIN AYAA KU RAAXEESATAA EE ISLAAMANKA IYO ILMAHA BEN HA USHEEGIN YES MEN KOOW (Muhiadiin Ali)

    **********

    Alle halaga baqo ma ahan masuuliyadnimada in malin walbo
    La isku sawero dad hadna wadankii aan waxba lo qabanaynin
    Qaraxna joogto yahay mudane gudoomiye mahan inaan u hadlaayo inaan lid ku ahay dowladnimada eee waxan la yabaaa masuliyinta somalida in 
    (Daahir Haaji) 
    Farmaajo G/Banaadir Top Xil ka qaadista Yariisow Yariisow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRegulation of Somalia’s Mobile Money Market Can Spur Innovation in Financial Sector Development
    Next Article Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Iley oo Maxkamad la soo taagay & Go’aankii Maxkamadda

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo