Gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa maanta dhagax dhigay dhul muran ka taagan yahay oo ku yaalla degmada Xamarweyn, kasoo dhowaan Guddoomoyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg in musuqmaasuq lagu qaadanayo.
Dhulkan ayuu sheegay Gudoomiyihii degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg oo xabsiga in maamulka gobolka Banaadir uu dhulkaasi Musuqmaasuq ka wado ayna leeyihiin dad shacab ah, arrintaas oo keentay in shaqadii laga joojiyo, lana xiro balse ay arrintiisa farageliyeen madaxda sare, lana sii daayey.
Yariisow ayaa sheegay in dhulkaasi laga furi doono Xafiisyo ay ku shaqeeyaan dhalinyaradda gobolka Banaadir iyo dadka Barakacayaasha ah, sida uu yiri, waxaan weli taagan muranka dhulkaasi.