Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023Updated:November 29, 20233 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xaalad adag oo ka jirta Gegida dayaaradaha Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

    Qoraalkiisa ayuu si toosa uga hadlo xaaladda habeenkii ka taagan Garoonka oo marka ay diyaarad rakaab sita timaado aanu jirin wax gaadiid ah oo dadka qaada, iyadoo xiliigan saddex ka mida wadooyinka gala Garoonka ay xireen Biyo ka dhashay Roobab ka da’ay caasimadda.

    Yusuuf Garaad ayaa ku baaqay in sidan loo dhaamo Garoonka Muqdiso, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay:

    Marka laga soo tago dhaliilo badan oo soo jireen noqday, oo aan la nool nahay, waxaan hadda jecelahay in aan ka hadlo dhaliil culus, wax ka qabadkeeduna aad u sahlan yahay.

    Waxaan arkay dayaarad rakaab ah oo soo degtay 7- da fiidnimo iyada oo gaari soo geli kara Gegida iyo mid ka bixi karaa aanay jirin. Ku dar xataa Baska Sahal ma shaqeyneyn.

    Waxaan arkay hooyo sidda ilmo aad u da’yar oo hurdaya, isla markaa laba boorso midna dhabarka ku sidda midna jiideysa, oo dalcadda yar ee airporka looga baxo ku dhibban.

    Waxaan arkay aabbe iyo hooyo mid kastaa ilmo yar kor u hayo, oo dhex taagan dhowr boorso. Dadka aga maraya ayay ku eegayaan indho ay ka muuqato war aan indiin duceynee gacan na siiya oo meesha naga saara.

    Kadeedku kuma koobnayn in aan bas iyo gaadiid kale midna loo diyaarin rakaabka, in ay dalbadaanna aan loo oggoleyn.

    Marka ay gegida lug uga soo baxaan, waxaa gaadiid ugu dhow kan dadweynaha oo maraya meel dhowr km u jirta. Afarta waddo ee airporka ka baxa, saddexda laamiga ahi waa ay go’an yihiin. Waxaa ceegaagta xareed ay ka tageen daadad meel fog ka yimid iyo roob maalmo ka hor da’ay.

    Waddada keliya ee furan waa mid aan laami ahayn oo in tunka lagu qaado maahee aan boorso lagu jiidi karin, mugdi ah, iyada lafteeda ay biyo fadhiyaan meelaha qaar, oo ay tahay in lagu lugeeyo kiilomiitir ka badan si gaadiidka dadweynaha loo gaaro.

    Waxaan u qabaa in dadweynihii habeenkaas soo degey la dayacay, halisna la geliyay.

    Khasab ma aha in aad noqoto khabiir ama qof aad u fiiro dheer si aad u garato in rakaabka dayaaradda ku imaanayaa oo waayeel, carruur iyo xataa bukaan uu ku jiri karo, oo wata boorsooyin culculus ay u baahan yihiin gaadiid ay raacaan.

    Ma jirto dayaarad soo degi karta ruqsad la’aan. Airporku haddii uu gaadiid oo dhan ka xiran yahay, dayaaradahana waa in uu ka xirnaadaa.

    Waan la yaabay in aanan maqal dad rakaabkii ka mid ah oo Maxkamad geeyay cidda ka mas’uulka ah dayaca intaa la eg.

    Khaladdaadka badan ee xalkoodu fudud yahay in midba mar la saxo, waxay dadweynaha siineysaa kalsooni, in ay samofishaan iyaguna ay nidaamka u hoggaansanaadaan

    Garoonka Aden Cadde Muqdisho Top Yuusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDood ka dhalatay kulankii MD. Xasan Sheekh iyo Xubno lagu sheegay Bulshada Rayidka
    Next Article Abaalmarinta Agaasimaha Nadaafada iyo Bilicda G/Banaadir, xilli Muqdisho Biyo kala xireen

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo