Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa sheegay in sida uu wax ku wado Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna uga digay inuu isku dayo boobka doorashada.
“Farmaajow xoog kuma imaan.. dadka Soomaaliyeed ee kuu bannaanbaxay ilaali niyadooda, maalkooda, jirkooda.. iyo danta guud.. Adiga ayaa maanta kursiga ku fadhiya.. sida ay wax ku socdaan, si umadda ku qanacsan tahay maaha, kumana qanci doonto… Cid wax boobi kartaa ma jrto.. madaxweynaha waxa aad kor u sido dhulka dhig.. dadka kula talinaya waa dan gaara ayey leeyihiin..” ayuu yiri Yuusuf Indha-cadde oo wareysi siiyey Idaacadda KNN ee Muqdisho.
Yuusuf Indha Cadde ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu difaaco musharixiinta Madaxweynaha oo la sheegay inay u magacaabeen mas’uul amnigooda qaabilsan, wuxuuna caddeeyya in iyadoo aan la magacaabin uu diyaar u ahaa inuu difaacaan Musharaxiinta, si la mid ah sidii ay shalay u difaaceen markuu Farmaajo ahaa Musharax.
“Iyadoo aan nala magacaabin inaan difaacno dadkaas musharaxiinta ah ayaa diyaar u nahay, sida shalay u difaacnay Farmaajo markuu musharaxa ahaa ayaa u diyaarsanahay inaan u difaacno Musharaxiinta” ayuu yiri Jen. Yuusuf Indha Cadde.
Golaha Midowga Musharixiinta ee fadhigoodu yahay magaalada ayaa saraakiil uu hoggaaminayo Jen. Indha-cadde u magacaabay inay sugaan amnigooda xilli ay dhiseen Guddiga Badbadaada Doorashada.
