Guddoomiyihii xilka laag qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay inuu ka badbaaday dil qorsheysan oo loo abaabulay, markii weerar ku soo qaadeen ciidamo Somali iyo Ajnabi isugu jira sida uu yiri.
Isagoo shir jaraa’id uu ku qabtay magaalda Beledweyne ayuu caddeeyay in galabta ay weerar ku soo qaadeen ciidamadaasi oo shirqool u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray inuu hortaagan yahay dulmi uu sheegay in lagu hayo dadka reer Hiiraan.
Wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Madaxda dowladda Federaalka inay farageliyaan xaaladda Gobolka Hiiraan oo la dhexdhexaadiyo Hirshabeelle iyo Gobolka Hiiraan oo muddo 2 sano iyo Bar ah uu sheegay inay dulmi ku wadeen madaxda Hirshabelle.
” In AMISOM iyo Itoobiya la isku weerarro, in la isku shirqoolo, la isku handado mar kasta, shirqool dil xal uma arko,.. Maxamed Cabdi Waare inuu Lama-galaay dego oo dhibaato ka shaqeeyo cid qaadan karta ma jirto..” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.
Warka Yuusuf Dabageed ayaa soo baxay iyadoo maanta xarunta uu degan yahay ay tageen Ciidamo isugu jiray AMISOM oo Itoobiyaan ah iyo kuwa milateriga Soomaaliya oo la doonayey inay xilka ka wareejiyaan.
DHAGEYSO