Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa si kulul ugu jawaabay siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Xawaadle ee ka hor yimid ciidamada la geeyay magaalada Beledweyne.
Siyaasiyiinta oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Jeneral Muqtaar Xuseen Afrax ayaa dalbaday in ciidamadasi laga saaro magaalada Beledweyne, waxayna ku eedeeyeen in lagu boobayo Doorashada.
“Ragii siyaasiinta ahaa ee shalay hadlay Xawaadle waa yaqaanaan Haddii ay wax u qabteen 8 sano oo ay xilka Hayeen ” ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo caddeeyay inay iyagu dalbadeen cidiamada la geeya magaalada Beledweyne.
Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in siyaasintaasi ay yihiin kuraas raadis, isla markaana aysan u hadli karin Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beesha Xawaadlle.
Wuxuu ciidamada Dowladda federaalka loo geeyay ay dalbatay Hirshabeelle, ayna la dagalamayaan Al-Shabaab, isgoo beeniyay in Doorasho lagu boobayo.
