Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Yuusuf Garaad: Ololaha Doorashadu waa Bilo Dhammaystay [Akhri Qormada]

    Yuusuf Garaad: Ololaha Doorashadu waa Bilo Dhammaystay [Akhri Qormada]

    February 6, 20174 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Caasimadda Soomaaliya, Muqdisho waxaa soo buuxiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo mudanayaal aqalka Sare, siyaasiyiin looga soo adkaaday kuraasta, salaaddiin, Madax iyo shaqaale Dowlad Goboleedyo, dallaalliinta siyaasadda oo badiyaa la arko marka ay doorasho jirto ama marka xiisad siyaasadeed ay oogan tahay oo cod loo baahdo, Madax iyo shaqaale aanay munaasab ahayn in ay olole doorasho ka qeyb qaataan hase yeeshee bareeray oo aan dhowrsaneyn cid yac ka dhahaysana aanan anigu arag, qurba-joog, weriyayaal iyo noocyo kale oo badan.

    Intaa waxaa socda martiqaadyo qado ama casho u badan.  Dhoollatus ayaa jira.  Gooddis kama maqna.  Qaar waa xodxodasho.  Kuwo waa kasbeyn. Noocyo kalena waa ay jiraan.

    Waddadooyinka tirada yar ee ay siyaasiyiintu ku diqdhiyaan waxaa suran sawirrada murashixiinta oo aad u waaweyn oo ay ku jiraan sawirrada murashixiin tanaasulay ama illoobay in ay tartanka qeyb ka yihiin.  Sawirrada qaarkood waa ay isku beegan yihiin sidii in ay isa salaamayaan ama uu midba midka kale ilaalo ka hayo.

    Guryo waaweyn oo qaarkood ay isu muuqdaan ayaa waxaa ka socda ololaha doorashada oo habeen iyo maalin dad sii galayaan, qaar kale ay ka soo baxayaan, qaar gudaha hawiran la sheegayo, baabuurtu ay hor tuban tahay.

    Waxaa kale oo socda isu guurguur iyo isu beenguur ka dhex jira mudanayaasha iyo xataa marmar murashaxiinta qaarkood.

    Safarrada gaa-gaaggaaban ee Murashxiinta ah ee dalalka deriska ilaa Khaliijka lagu tagayo iyo kuwa lagu tegayo ama looga imaanayo caasimadaha Dowlad Goboleedyadu waa joogto.

    Dhafarka iyo Xanta Doorashada

    Xanta doorashada ayaa baalal yeelatay oo intaa duuleysa.  Adigu haddii aadan doonan iyadaa ku soo doonaneysa.  Xataa adiga oo hurda ayaa farriimo qoraal ah laguugu sii baarkimayaa telefoonkaaga gacanta.

    Sidii ay u kala dambeeyeen ayaga oo u kala sarreeya ayaad qaar ku heleysaa SMS.  Qaar waxaad ka heleysaa sanduuqyada farriimaha ee saxaafadda bulshada sida Twitter iyo Facebook.  Qaar kale waxay kugu sugayaan isgaarsiinta webka ku shaqeysa sida WhatsApp, Viber iyo kuwo kale.

    Saacadda Muqdisho laga seexdo siiba xaafadaha siyaasiyiintu ay badiyaa degaan kuna shaqeystaan aad ayay dib ugu dhcday oo waxay u sii dhowaaneysaa waaberiga.

    Makhaayad hotel oo la xiri jiray saacad ka hor inta aan la gaarin habeenbarkii ayaan habeen hore arkayay iyada oo la tuban yahay 1:30 habeennimo (toddoba saac iyo bar) oo shaah iyo qaxwo laga dalbanayo.  Goobtaas waxaa xilligaa ku sugnaa ugu yaraan saddex ka mid ah murashxiinta oo gooni gooni u ugaarsanaya Xildhibaanno.

    Haddii aad soo jeeddo la yaab ma laha in aad saddexda aroornimo (sagaal saac) aad idinka oo aan ballamin iska soo horbaxdaan murashax magac weyn sida habeen dhoweyd igu dhacday mar aan Xildhibaanno doodaya aan dhegeysanayay.

    Dadkaan isu soo ururay oo dhan waxaan u arkaa wanaag iyo in loo soo jeestay in talo lagu lahaado xulidda Hoggaamiyaha dalka.  Waa xaq muwaadddin kasta u bannaan.  Waana anigu aan ku farxay.

    Walow aan Xildhibaanno badan saaxiib nahay, qaar ka sii bandanna aan macriifo nahay, ma jiro Xildhibaan sida in aan ka caqli badan ahay, ka xog ogaalsan ahay ama aan ka waddanisan ahay aan u tilmaamay murashaxa uu codka siin lahaa.

    Wada Madaxweyne

    Xilliga lagu jiro ee doorashadu ay soo dhow dahay, olole kasta uu gaaray heerka ugu sarreeyo ee uu gaari karo, welina aan codka la qaadin, waa xilli aan ku magacaabo xilliga farxadda.  Koox kasta waxaa ay isu aragtaa in ay kursiga soo haaban karto.

    Haddiiba ay dhacdo in aan doorashada ka sheekeysanno waxaan Xildhibaannada weydiiyaa su’aalo ku saabsan sida laga yaabo in ay wax u dhacaan.

    Weli ma arkin koox u ololeyneysa Murashax oo qaba in uu murashaxoodu ku hari doono wareegga koowaad sida aniga iyo murashxiin kale oo badan nagu dhacday 2012.

    Waxaan naxaa, marna nafis dareemaa marka aan arko rag been ii sheegay 2012 oo hadda dad hor leh wax u sheegaya.

    Si kastaba ha ahaatee, murashxiinta ku hari doona wareegga koowaad iyo kuwa ku hari doona wareegyada xiga iyo kooxaha hadda u ololeynayaa waxay u baahan yihiin in ay hadda ku sii talo galaan in uu hal murashax oo keliyihi uu ku guuleysan doono Xilka.

    Waxaa ka sii muhiimsan in ay ka fekeraan in laga yaabo in aan murashaxaasi kooda noqon.

    Waxaa habboon in arrinkaas laga fekero ka hor inta aan Xildhibaannada afka kaaga sheegay in murashaxaagu Madaxweyne noqon doono aanay ficil ahaan kuu tusin in ay murashaxaaga u diideen in uu noqdo Madaxweyne.

    Haddaba natiijada ka dib, maxaa la gudboon murashixiinta aan guuleysan? Xildhibaannada u codeeyay? miigganayaasha u ololeeyay?  Iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed?

    Qormadeyda tan xigta ayaan su’aashaas uga jawaabi doonaa sida ay aniga ila tahay.

    Posted by Yusuf Garaad

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Hirshabeelle oo u ololeynaya Musharax uu hore uga hor yimid [Akhri sababta]
    Next Article DAAWO: Sida loo xiray Wadooyinka Muqdisho iyo Bandowga oo si rasmi ah u bilowday

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo