Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo dhowaan Golaha Wasiirada ay ansixiyeen inuu noqdo safiir loo qoondeeyay inuu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
Yuusuf Garaad ayaa xilka safiirnimo ee loo magacaabay uu ahaa mid magac uun ku eg, iyadoo aanay golaha wasiirada magacaabin halka uu safiirka ka noqonayo (Akhri Warkan), laakiin wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Yuusuf Garaad ka dhigay wakiilka Soomaaliya u fadhiya UN-ka.
Yuusuf Garaad oo hore u ahaa weriye caana ayaa siyaasadda ku jiray tan iyo sanadkii 2012 kadib markii uu isu sharxday jagada madaxweynaha Soomaaliya, isagoo helay 12 cod.
Wadani.com