
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya Xildhibaan Yuusuf Xaaji ayaa hadal uu ka jeediyay caleemo saarkii Axmed Madoobe ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo wuxuu si weyn u difaacay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo hadal toos ah u jeediyay xildhibaanada Mooshinka ka keenay Xasan Sheekh.
“Waxaan war ku qabnaa inay baarlamaanka Soomaaliya ku jiraan qolyo doonaya inay kursi ka qaadaan madaxweynaha Soomaaliya, waxaan leeyahay walaalayaal madaxweynenimadu maaha Shaar subaxii la gashanayo oo galabtii la iska siibayo, madaxweynaya fursad siiya” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xaaji oo dalbaday in madaxweynaha loo daayo waqtigiisa.
Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Kenya oo la hadlaya Soomaaliweyn wuxuu sheegay inay ka danbeeyaan madaxdooda, madaxweynaha Soomaaliya ee hadda xilka hayana la siiyo fursad maadaama uu kala bartay madaxda adduunka, lagana hadlayo hiigsiga cusub ee 2106.
Hadalka Yuusuf Xaaji ayaa aad loogu sacabiyay isagoo u muuqday in xaqiiqada Soomaalida taalla si toos ah u taabtay, isla markaana xaaladda siyaasadeed ee dalka si qoto dheer uga hadlay.
DAAWO
[ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?t=400&v=HAYNJNGazVo”]
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]