Nin loo maleynayo inuu yahay qofkii ugu da’ weyn ee xaj u taga magaalooyinka Barakeysan ee Sacuudiga ayaa sanadkan ka mid noqday dadka gudanaya waajibaadka Xajka.
Ninkan oo 130 sano jir ah ayaa isaga iyo xubnaha qoyskiisa ee la socda lagu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor C/casiis magaalada Jeddah, sida ay shaacisay wakaaladda Wararka ee Sacuudiga, waxaana lagu magacaabaa Ohi Aidros Samri, waxaana la socda lix qof oo ka mida qoyskiisa.
Waxaa xaajigan soo dhoweyntiisa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Xajka Sacuudiga oo guddoonsiiyey hadiyado loogu talogalay, waxaana la sheegay inuu taariikhda ku galay qofkii ugu da weynaa ee xajka taga inta la ogyahay.