Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo bilihii ugu danbeeyay lagu howlanaa sidii loo soo xuli lahaa isla markaana khilaaf ba’an ka dhex taagnaa odoyaasha iyo siyaasiyiinta beelaha saddexda gobol ee maamulkaasi ayaa la sheegay in ku dhowaad 70 xildhibaan la magacaabay.
Xildhibaanadan ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo 71 ilaa maanta si uu kooramka ugu yar u furmi karo, iyadoo xubanah harsan oo ku dhow 40 kale dib laga magacaabi doono marka la dhameeyo is mari waaga ka taagan soo xulistooda oo saameyn weyn ku yeeshay maamulka uu hogaamiyo Shariif Xasan oo sanad jirsaday isagoo aan lahayn Baarlamaan.
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid oo ku sugan Baydhaba qeyb ku lahaa in la xaliyo muran ka taagnaa xildhibaanada qaarkood isagoo la kulmay odayaasha ku howlan arrintan oo iyagu u yeertay Ra’iisal wasaaraha.
Wadani.com