Ra’iisul Wasaaraha Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mida Golihiisa wasiirada iyadoo muddo dheer la sugayay isku shaandheynta ayaa goor dhoweyd waxaa soo baxay in xilka laga qaaday laba wasiir oo ka mida golaha wasiirada iyadoo wasiiro cusub xilkoodii loo dhiibay.
Ra’iisul Wasaaruhu uu u magacaabay wasiirada kala ah:
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/llaahi Maxamed Axmed,
Waxaana xilkii laga qaaday Wasiirkii xilkaas hayay C/raxmaan Cabdi Cusmaan.
Waxaa kaloo la magacaabay Wasiirka Korontada iyo Biyaha loo magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ahaa Safiirkii hore ee dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga.
Waxaa xilka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha laga qaaday Maxamed Xasan Aadan Shaahiyow.
Isku shaandheynta Golaha Wasiirada ayaa intan lagu soo koobay iyadoo hore loo filayay in xilka laga qaado ilaa 10 wasiir, waxayna ka danbeysay markii madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay isla garteen arrintan. Wadani.com