Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay inuu soo dhoweynayo in dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho shirka ay yeesheen iyo inay diideen qaabka awood qeybsiga Soomalaiya ka jira.
Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal gooni isu taagay, isla markaana muddo 25-sano shaqeyneyso, nidaam dowladnimo leh, iskuna filan, isla markaana nabadgelyo ah, isagoo xusay in shaqsiyan uu u taageersan yahay in dadka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee Muqdisho ku sugan ay shirarka ka qeyb galaan, fikirkooda ka dhiibtaan.
“Somaliland wixii quseeya ee dan ka leh Muqdisho ma tagaan ee Hargeysa ayay yimaadaan oo ah Caasimada Jamhuuriyada, dadka jooga Xamar asal ahaan Somaliland ayay ka soo jeedaan, xaq bey u leeyihiin inay meeshey doonaan tagaan, fikirkooda iyo ra’yigooda ay dhiibtaan, laakiin ma ahan go’aan Xisbi Somaliland oo kale”ayuu yiri Eng. Feysal Cali Waraabe oo wareysi siiyay idaacadaha Muqdisho.
Siyaasigan oo ah nin isbedel badan oo hadallo qaarkood iska horjeedaan laga soo xigto ayaa markii ugu horeysay taageeray in dadka Somaliland kasoo jeeda shirar ku qabsadaan Muqdisho.
Wadani.com