Shirkii saddexaad ee arrimaha hiigsiga cusub oo ah kan ugu adag ee go’aan looga garayo qaabka doorashada looga qabanayo dalka ayaa ka furmaya magaalada Muqdisho iyadoo durba laga dareemayo caasimadda diyaar garowga shirkaasi.
Shirka waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada dalka ka jira ee ku jira Madasha Qaran ee wadatashiga, waxaana la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay soo gaaraan Muqdisho saacadaha soo socda, iyagoo dhowaanahan ku howlanaa nabadeynta colaadii magaalada Gaalkacyo.
Fikradihii laga soo ururiyay shirarkii ka dhacay gobolada dalka ayaa noqday kuwa iska soo horjeeda kadib markii maamul kasta uu mowqifkiisa ku saleeyay go’aanadii ka soo baxay shirarkii wadatashiga gobolada oo la isugu keenay xubno taageersan maamulada oo kaliya, waxaana loogu kala qeybsamay in doorashada lagu saleeyo 4.5 iyo qaab degaan.
Shirka Madasha Wadatashiga ee Beri ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa go’aan looga gaarayaa qaabka doorasho ee 2016, iyadoo laga cabsi qabo in arrintan ay isku qabtaan madaxda iyo maamulada dalka oo haddaba ku kala qeybsan labada qaab ee ay kala qaareen.
Wadani.com