Shirka Madasha wada-tashiga Qaranka ee looga hadlayo go’aan ka gaarista qaabka loo qabanayo doorashada 2016-da ayaa goor dhoweyd ka furmay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada .
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shirka oo muhiimad gaar ah leh, isla markaana la filayo inuu noqdo shir adag oo intiisa badan ku saabsan hannaanka doorasho ee sanadka 2016-ka.
Kulamadii wadatashiga ah oo gobollada dalka ka dhacay ayaa waxaa kasoo baxay go’aano iska horjeeda oo laba qeybood loogu kala jabay.
Wadani.com