Shir kale oo loo la sheegay in looga hadlayo dhaqaalaha dalka ayaa maaanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan inta badan ka qeyb galayaashii shirkii shalay ee Madasha Wadatashiga oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha Soomaaliya, madaxda maamulada dalka iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkaasi furay maanta waxaana ku wada sugan madaxda Soomaalida. Shirka waxaa kaloo ka qeyb galaya Ganacsato, Ergayga Gaarkaa ee Q/Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo uu waqtigiisa sii dhamaanayo iyo Wakiilo ka socda Maamul Goboleedyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu soo laaban karto hadii la tayeeyo Ganacsiga Soomaaliya islamarkaana Kontorool iyo la socod lagu sameeyo Badeecooyinka dalka dibaddiisa laga keenayo,korna loo qaado Waxyaabaha Dalkeena laga dhoofiyo.
Wadani.com