Shirkii Madasha wadatashiga ee madaxda Soomaalida ayaa goor dhoweyd ka furmay magaalada Muqdisho, kadib dib u dhac ku yimid shalay, waxaana hor yaalla in go’aan looga gaaro qaabka doorashada 2016 u dhici doonto oo si weyn la isugu heysto.
Shirar kala gaara oo u socday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamulada gobolada ayaan horumar weyn laga gaarin, iyadoo madaxweynaha Puntland uu saaran yahay culeyska ugu weyn oo ah inuusan ogolaan karin in 4.5 lagu saleeyo doorashada 2016.
Kulamo socday ilaa xalay ayaa wararku sheegayaan inaan lagu guuleysan in la isku raaco qaab kaliya oo doorashada u dhaco, iyadoo dowladda Federaalka laga dareemay inay taageereyso qaabka 45., iyadoo caqabado badan laga hor keenay qaabka ay wataan maamulada Jubba iyo Puntland ee degaanka ah oo la sheegay inuu la mid yahay doorasho hal qof iyo hal cod ah.
Wadani.com