In ka badan 140 xildhibaan oo ka maqan kulamada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa digniin loo diray, iyadoo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan, kadib markii fadhigii ugu danbeeyay ee Baarlamaanka uu qabsoomi waayey kooram la’aan awgeed.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Xildhibaanada ka maqan ay gaareen 143 mudane, basle ay ku sugan yihiin dhamaantood magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin qof ku maqan fasax ama Caafimaad, sida uu yiri ee ay si shharci darro uga baaqdaan kulamada Baarlamaanka.
“Xildhibaanada waxaan u sheegayaa in aysan ku xadgudbin Xeer-hoosaadka baarlamaanka shaqadoodana aysan ka maqnaanin maadama ay saaran tahay mas’uuliyad ballaaran oo dalka iyo dadka ay ka sugayaan” ayuu yiri C/weli Muudey, waxaana shalay la yeeriyay xildhibaannadii maqnaa.
Inta uu xilka hayo Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh waxaa markii labaad la akhriyey magacyada xildhibaannada maqan oo shalay gaaray 143 Xildhibaan, tasoo ujeedku ahaa in la ogeysiiyo Shacabka Soomaaliyeed Xildhibaanada aan waajibkooda dastuuriga ah gudan.