Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre (Jeex)ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu khaarijiyo kadib markii laba weerar oo is xiga lala beegsaday kolonyo galbineysay gudoomiyaha. Kooxda Alshabaab ayaa lagu eedeeyay weerarada oo midka hore ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo weerar ka danbeeyay.
Afhayeenka maamulka gobalka Shabellaha Hoose Maxamed Shiino ayaa sheegay in kolonyada gaadiidka ah ee galbinayay gudoomiyaha lagu weerary gaari Ismiidaamin ah iyo sidoo kale weerar toos ah. weerarka ayaa lagu qaarajin lahaa gudoomiyaha ayaa ka dhacay degaanka Golweyn ee duleedka degmada Buulo-mareer, halkaasi oo lagu diyaariyay Gaari Suzuki ah, laakiinse ay rasaas ku qarxiyeen gaarigaasi ciidanka Nabad sugidda iyo kuwa AMISOM oo gudoomiyaha dhanka degmada Baraawe u waday.
Kolonyada ayaa mar kale la weeraray iyadoo weerarkaasina lagu dilay saddex dabley Alshabaab ka tirsan sida uu sheegay afhayeenka Gobolka Sh/hoose.
Wadani.com