Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan C/Fataax Xasan Afrax oo kiis dil ah ku eedeysnaa, waxaana xilkaasi loo magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo xiligii dowladii KMG guddoomiye kasoo noqday Gobolkaasi.
AKHRISO WAREEGTADA MAGACAABIDDA GUDDOOMIYAHA CUSUB EE HIIRAAN
XEER MADAXWEYNE LR. 87 TAARIIKH: 19/12/2015
MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN
MADAXWAYNAHA J.F.S
MarkuuArkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee
Dastuurka J.F.S.
MarkuuArkay : SharciLr. 116 eesoobaxayOgosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada
Degmooyinka iyo Goballada dalka
MarkuuTixgaliyey : Soo jeedintaWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee
December 19, 2015 kuna saabsan xilka qaadis Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee
December 19, 2015 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan
MarkuuGarwaaqsaday : inay jirto baahi loo qabo in Gobalka Hiiraan loo magacaabo Guddoomiye cusub iyada
oo waafaqsan qaabka dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinlkadalkasi ay mustaqbalka u dhismaan Dowlad-goboleedyo Dastuurka waafaqsan
WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:
Qodobka 1aad
Waxa xilka laga qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan
Qodobka 2aad
Waxa uu Xeerkaan u dhaqan gelayaa si degdeg ah marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda JFS.
MUQDISHO: 19/12/2015
Madaxweynaha J.F.S
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud