Xuska sanadguurada 72-aad ee aasaaskii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay xarunta Dugsiga sare ee Booliska Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho., iyadoo ay ka qeyb galeen madax uu ka mid yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaaliyeed.
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa munaasabadda ku soo bandhigay dhoolatus weyn iyo Gaadiidka ay ku howlgalaan iyo qalab casri ah oo ay u adeegsadaan shaqadooda.
DAAWO SAWIRRO