Magaalada Jowhar waxaa ka socda diyaar garow weyn oo ku saabsan marti gelinta shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la filayo inuu ka furmo magaalada muddo toddobaad kadib ah.
Waxaa magaalada Jowhar ka socda olole nadaafadeed, diyaarinta xarumaha dowladda, qabanqaabada hoteelada magaalada iyo hagaajinta guryaha ay degi lahaayeen martida shirka.
Waxaa barbar socda howlgallo ami oo lagu xoojinayo nabadgelyada magaalada, waxaana lagu wadaa in ciidamo cusub ay dowladda geyso halkaasi oo lagu xoojinayo ciidamada AMISOM.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe oo dareemaya culeyska ugu weyn ee magaalada ku soo fool leh ayaa dadka magaalada iyo maamulkiisa u abaabulaya in si fiican loogu diyaar garoobo shirkaas weyn oo kumanaan ruux ay isugu imaan doonaan.
Wadani.com