Kulan ayaa magaalada Muqdisho isugu yimaadeen xildhibaanada Beelaha Digil & Mirifle ayay ka soo saareen qoraal dhowr qodob ka kooban oo ay uu baaqeen xildhibaano olole ka wada degaanada Beelbarde ee gobolka Bakool inay halkaasi ka baxaan.
Qoraalka oo uu saxaafadda u akhriyay Xildhigaan Aadan Saransoor ayaa lagu sheegay in xildhibaanadaasi ay qas ka wadaan degaanada ay tageen ee gobolka Bakool.
Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna sheegay in xildhibaanadaasi ay yihiin qaar aan degaanka kasoo jeedin ee ka yimid degaano kale iyo Itoobiya.
Dhinac sare ka daawo, hoosna ka Dhageyso Sheekh Aadan Madoobe
Wadani.com