Ciidamada AMISOM iyo Milatariga Soomaaliya ee SNA ayaa Al-shabaab kala wareegay degaano hoostaga Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan oo u jira 25km.
Ciidamada Huwanta ah ayaa weerar ku qaaday dabley xarakadda Al-shabaab ka tirsan oo degaankaasi ka ururineysay xoolo zako ah.
Iska hor imaadka ayaa dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana lagu dilay laba maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan degmada Buuloburte.
AMISOM waxay dhinaca kale sheegtay in sarkaal ajnabi ah oo ka tirsan Al-shabaab ay weerarkaasi ku dileen. Al-shabaab ayaa dhinacooda wax war ah kasoo saarin dagaalkan u danbeeyay.
Wadani.com