Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyadoo su’aalo laga weydiiyo faahfaahin ku saabsan Miisaaniyadda cusub 2016.
Miisaaniyadda 2016 ayaa laga hor akhriyay shalay Baarlamaanka iyadoo xildhibaano badan ay dhaliil ka keeneen qaabka lo diyaariyay.
Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa Kulankii Baarlamaanka ka hor sheegay inuu maanta oo Khamiis ah Wasiirka Maaliyadda Maxamed Ibrahin Fargeeti uu Baarlamaanka imaanayo.
Maamulka dhaqaalaha dowladda iyo miisaaniyaddaha la keeno Baarlamaanka ayaan is waafaqsaneyn, taasoo keentay in dood adag ka dhacdo baarlamaanka inkastoo ay ku dhamaatay in la ansixiyo.
Wadani.com