Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»K/Galbeed»Beesha Murusade oo qaadacday Maamulka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan (War-saxaafadeed)

    Beesha Murusade oo qaadacday Maamulka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan (War-saxaafadeed)

    December 31, 20153 Mins Read K/Galbeed
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Beesha Murusade oo ka mida beelaha dega Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa warcad kasoo saartay maamulka Koonfur Galbeed iyo baarlamaanka uu dhisay, waxaana warsaxaafadeedka beesha u qoranaa sidatan:


     

    Shirar uga socda Beesha Murusade magaalada Muqdisho ayeey kaga soo horjeesteen xaarana ku tilmaameen awood qeybsiga maamulka koofur galbeed, taasi oo ay ugu dambeysay qaabkii loo qeybiyay xildhibaanada,

    Beeshu markey qiimeysay maamuuska iyo maqaamka ay ku leedahay Deegaanada Koofur Galbeed iyo ka mid ahaan shiyaha hormuudka beelaha dega Gobolka Shabellaha Hoose, iyo taariikhda Gobolkaasi beeshu ku leedahay ilaa in ka badan shan boqol oo sano iyo dadaalka ay beeshu ku bixisay dhismaha maamulka Koofur Galbeed oo ay u arkeysay mid mideynkara bulshada sedexda gobol ayeey u cuntumiwaayeen Baarlamaan ku sheeg uu magaalada Baydhabo si aan gabasho laheyn uu awood sharci daro ku maamulay madaxweynaha koofur Galbeed.

    Beeshu waxa ay xaq u leedahay in awood qeybsiga beelaha dega deegaanka koofur Galbeed ay hesho, balse taasi ma dhicin oo waxaa dhacday in madaxweyne Shariif Xasan uu maroorsado baarlamaanka isaguna sida uu doono u soo xulo.

    Waxaa ka daran oo dhacda in Ihaano uu u geystay Beesha Murusade isagoo Hal xildhibaan ka siiyay Baarlamaanka, sheegayna in Xildhibaan kale oo isagu shaxaad u siinayo Murusade, taasi oo ah ihaano iyo meel ka dhac weyn.

    Beeshu waxay door muhiim ah ku leedahay Deegaanada Koofur Galbeed, tusaale xildhibaanadii ka soo geli jiray gobolka Shabellaha Hoose Baarlamaanka Dhexe door firfircoon oo muuqdo ayeey beeshu ku laheyd

    Deegaanada Beesha Murusade ka Degto iyo kuwa beelo kale ay deegaanka la yihiin ee lagu yaqaano waxaa kamid, Afar Buulo Mursade, Doondheere, Ceel-Ure, Tixsiile, Beladul Amiin,Doonka, Buulomareer, Gandaawi, Maryangubaay, Farxaane iyo degmooyinkaan: Afgooye, Baraawe, Janaalel, Qoryooley, Marko, Kuntuwaarey, Shalanbood, Diinsoor.

    Hadaba Falanqeyn dheer kadib: dhaqanka, siyaasiyiinta, xildhibaanada, ganacsatada iyo dhalinyarada beeshu waxa ey isku raaceen qodobada soo socda;

    1. Beeshu waxa ay go’aansatay in uusan u qaadmin Ihaanada Shariif Xasan uu ku qeybiyay, diyaarna aysan u aheyn in ay uga qeybgasho maamulka Koofur galbeed.

    2. Beeshu waxa ay u cadeynaysaa Dowladda Dhexe, Beesha Caalamka, in aaney Beeshu ka tageyn xaqeeda, wado kastaana ay u mareyso raadintiisa.

    3. Beeshu waxa ay isku raacday in aysan la shaqeyn doonin waxna ku darsan doonin maamulkaas cadaalad darada ku dhisan.

    4. Beeshu waxa ay ugu baaqeysaa Beelaha Deegaanka Koofur Galbeed in nabada iyo deganaasha la ilaaliyo cadaalada darada keeni karta kala tagana laga hortago.

    5. Beeshu waxay fareysaa dhamaan dadka xubnaha ka ah Maamulka koofur galbeed in joojiyaan shaqooyinka ay hayaan.

    6. Dhamaan Jaaliyaha Beesha Murusade ee Dalka iyo Dibada Beeshu waxay fareysaa in muujiyaan dareenkooda oo ay ku soo biiraan kulamada ka socda magaalada Muqdisho ee aragtida beesha raadinta xaqeeda looga hadlayo.

    7. Beeshu waxey cadeynaysaa in hadii wax laga qaban waayo gardaradan ay si deg deg u sameyneyso tilaabooyin ay xaqooda ku raadsanayaan.

    Ugu danbeyn beesha Murusade/Karanle mas’uul kama aha wixii ka dhasha dhismaha maamulka Koofur Galbeed.

    Dhamaad.

    Beesha Murusade Koonfur Galbeed
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya oo looga yeeray Baarlamaanka Federaalka
    Next Article Muxuu ku dhamaaday kulankii dhex maray Axmed Madoobe & Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo