Shirkii maamul u sameynta goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la qorsheynayay in magaalada Jowhar uu ka furmo maalinta Beri ee Talaadada 5-ta Janaayo 2016 ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo aan waqti kale loo qaban.
Dib u dhaca shirka ayaa ka dambeeyay geeridii ku timid Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo Axadii ku geeriyooday magaalada Beledweyne.
Wasaaradda arrimaha gudaha oo qorshaha shirka waday ayaa hore u dejisay jadwal qarsoodi ah oo ka kooban lix qodob sida ay shaacisay mareegta Wadani.com, waxaana hadda wararku sheegayaan in shirka furitaankiisa u dhici doono Khamiista ama Sabtida.
Wadani.com