Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay ku xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa socdaal muran ka taagan yahay ujeedadiisa maanta ku tegay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Guddoomiye Jawaari iyo xildhibaanada ku weheliya socdaalka oo ka badan labaatameeyo ayaalagu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb, waxaana soo dhoweynta hormuud u ahaa madaxweynaha Ahlu suna Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan.
Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka kadib soo dhoweyntooda waxaa la geeyay xarunta Villa Barwaaqo, halkaasoo ay kulamo uga bilowdeen labada dhinac ee wafdiga iyo madaxda maamulka Ahlu suna.
Lama oga sababta Jawaari keentay inuu tago Dhuusamareeb, waxayna xogta aan heleyno sheegayaan in tegitaanka Jawaari ee Dhuusmareeb ay khilaaf weyn ka dhex abuurtay madaxda sare ee dowladda Federaalka, iyadoo laga cabsi qabo inay dhiciseyso dadaalkii nabadeed ee laga dhex waday Galmudug iyo Ahlu suna.
Xildhibaanada ka dambeeyay inuu Jawaari socdaalo kana shaqeeyay arrintan waxay kala yihiin Xildhibaan C/samad Macalin iyo Xildhibaan C/casiis Xaaji Yuusuf oo ku caan baxay taageerada kooxda Ahlu suna, waxaana la filayaa in arrintan ay qeyb ka tahay qorshe Baarlamaanka lagu dhabar jebinayo siyaasadda Madasha Qaran oo shirkii ugu danbeeyay uu carro weyn kala baxay Guddoomiye Jawaari.
Wadani.com