Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in tabashooyin ka jiray maamulada K/Galbeed iyo Jubba lasoo afjarayo iyadoo ay dowladda Federaalka hogaamineyso.
Wuxuu caddeeyay in ay ku balameen wixii cabasho oo jira si daacad ah loo xaliyo, wuxuuna rajo ka muujiyay in si degdeg ah loo galo arrimaha taagan oo laga daahay.
Shariif Xasan oo ka hadlay hiigsiga 2016 ayuu sheegay inay soo dhoweynayaan wixii talo mideysan ah, sidoo kalena ay Baydhabo ku soo dhoweynayaan Axmed Madoobe.
Dhageyso Shariif Xasan Sheekh Aadan