Wasiir ku xigeenka ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa si cad uga hor yimid in qaabka degmooyinka lagu qeybiyo Baarlamaanka cusub, wuxuuna ka digay in arrintaasi ay keeni karto in la waayo xaqii beelo badan oo haddana ku dulman nidaamka 4.5
Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Federaalka ah Maxamed Cumar Geeddi ayaa ka digay in baarlamaanka soo socdo loo qeybsado nidaamka deegaanka, wuxuuna si buuxda u taageeray beeleedka 4.5 ee lagu dhisay xukuumadihii hore ee dalka.
Wasiirkan wuxuu ku doodayaa in ku dhawaad 10 beel Soomaaliyeed kulan ay isugu yimaadeen ay kaga hadleen arrimaha ku aadan qaabka doorasho Soomaalida u siman tahay u dhici karto. Waxa uu tilmaamay wasiir ku xigeenka in beelaha .5-ta ah ay horay ugu dulmanaayeen qaabka wax loo qeybsanayay balse ay xaaladdu kasii dari doonto hadii qaab degmo wax loo qeybsado.
Waa markii ugu horeysay ee wasiir ka tirsan xukuumadda uu ka hadlo arrintan oo murankeeda ka taagan yahay Madasha Qaran ee shirku uga socdo magaalada Kismaayo.
DHAGEYSO CODKA WASIIR KU XIGEENKA
Wadani.com