Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa aqoonsaday Baarlamaanka Jubba oo hore Baarlamaanka Soomaaliya sharci darro uga dhigay, kadib ka qeybgalkiisii shirka Madasha ee magaalada Kismaayo ayuu ogolaaday inuu kulan la qaato Baarlamaanka Jubba oo hore go’aankii Baarlamaanka uga gaaray weli jiro.
Kulanka oo shalay ka dhacay xarunta shirka madasha waxaa ka qeyb galay wafdiga xildhibaanada ee uu hogaaminayay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.
Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay isbarasho labada dhinac. Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Fedaraalka ah ee Soomaaliya waxuuna sheegay inay la shaqeynayaan Baarlamanka Jubba oo socdaal kale ku imaam doonaan Kismaayo.
Mudana Jawaari ayaa ku dhacay shirqool siyaasadeed oo uu wax badan ka meermeerayay, wuxuuna ka mid ahaa dadka ugu horeeya ee diidan sharcinimada Baarlamaanka Juba, laakiin waxaa muuqata inuu ka fursan waayay arrintan iyadoo aan weli xal loo helin khilaafka maamulada K/Galbeed iyo Jubba.
Xildhibaanada kulankan ka soo shaqeeyay waa kuwii ololaha u galay dhismaha maamulka Bakool sare ee ka careysiiyay maamulka Koonfur Galbeed iyo xildhibaanada sida weyn u taageera maamulka Jubba.
DAAWO SAWIRRADA,
