Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in shirka maamul sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta ku sii jeedaan wasiiro iyo xildhibaano ka socda dowladda Federaalka iyadoo dadaal loogu jiro in la xareeyo odayaasha soo xulaya ergada shirka.
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa ayaa lagu wadaa inay Magaalada Jowhar manta tagaan, waxaana shirka oo dhowaan la furay uu weli yahay mid aan hore u dhaqaaqin.
Odayaasha beelaha labada gobol oo intooda badan ku sugan magaalada Jowhar ayaa laga sugayaa wasaaradda arrimaha gudaha inay tiro isla eg u xareyso beel kasta si markaas kadib ay u soo xulaan ergada rasmiga ah ee shirka ka qeybgeli doonta.
Xaaladda shirka Jowhar ayaa ka duwan shirarkii kale, waxaana howsha wada wasaaradda Arrimaha gudaha iyadoo aanu jirin guddi farsamo.
Wadani.com