C/maalik Muuse Coldoon oo weriye caan ah oo ka howlgala magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa xabsiga loo taxaabay maanta kadib markii ciidamada Booliska ay u dhaceen xafiiskiisi, isla markaana ay qaateen dhammaan agabkii uu ku shaqeynayay.
Weriyaha oo howlo samafal iyo saxafinimo isku dhex waday ayaa ahaa shaqsi firfircoon, waxaana xarigiisa sabab looga dhigay wareysi uu la yeeshay nin itoobiyaan ah oo dhowaan lagu soo eedeeyay inuu qashay kadibna dhiigga ka jaqay gabar yar oo 4 sano jira degaanka Warran ee duleedka Burco.
Wareysiga oo saxaafad ahaan aan sharci ahayn una muuqda inuu ku fudududaay weriyaha ayaa keenay in xabsi loo taxaabo iyadoo maxkamad la soo taagi doono sida ay sheegeen saraakiisha Booliska.
SARE KA DAAWO WAREYSIGA UU QAADAY WERIYAHA
Wadani.com